XOG: Xafiiska XASAN Sheekh oo liiska xildhibaanada qaska wada la geeyey

Muqdisho (Caasimada Online) – War goor dhow nasoo gaaray ayaa sheegaya in Xildhibaanada taageersan Madaxweyne Xassan Sheekh ay maanta gudbiyeen Magacyada Xildhibaanadii shalay Foodada ka sameeyay Xarunta Baarlamaanka Somalia.

Magacyada Xildhibaanada la gudbiyay ayaa la sheegayaa inay gaarayaan ilaa 40 Xildhibaan kuwaasi oo lagu wado in Xassan iyo Jawaari ay talaabo adag ka qaadi doonaan xiliyada nagu soo beega, sida ay xogtu sheegeyso

Sidoo kale, nuqul kamid ah Liiska ayaa waxaa loo gudbiyay Xafiiska Gudoomiyaha Baarlamaanka DF.

Jawaari ayaa sheegay in tilaabo sharciga waagasan laga qaadi doono Xildhibaanadii shalay qaska kasameeyay Kulanka Baarlamaanka , waxuuna cadeeyay in lagu kala bixi doono Xeer hoosaadka Baarlamaanka u dagsan.

Lama Oga talaabada uu Xassan Sheekh dhankiisa ka qaadi doono waxaana la Tilmaamayaa in kulanka labaad ka hor Xildhibaanada liiskooda la gudbiyay ay la kulmi doonaan Xassan iyo Jawaari.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com