Xasan & Faarax oo ka arrinsaday sidii laga yeeli lahaa buuqii BF Soomaaliya

Muqdisho (Caasimada Online) – Wararka laga helayo Xarunta Madaxtooyada Somalia, ayaa sheegaya in halkaasi uu kulan aan caadi aheyn ku dhex maray Madaxweyne Xasan iyo Wasiir Faarax C/qaadir.

Ujeedka kulanka ayaa lagu sheegay inuu ahaa wada tashi ay Xasan iyo Faarax ka sameynayeen Buuqa iyo Sawaxanka ka dhacay Xarunta Baarlamaanka iyo sidii laga yeeli lahaa.

Madaxweyne Xasan oo aad uga walaacsanaa buuqa laga horkeenay Mooshinadiisa, ayaa waxa uu Faarax usoo bandhigay inay mudan tahay in Mooshinada laga karkariyo dhanka Villa Somalia, islamarkaana dib loogu celsho Baarlamaanka, waxa uuna soo jeediyay in dadaal dheer lagu bixiyo sidii R/W C/Weli looga soo jabin lahaa Xildhibaanada isaga taageersan ee buuqa wada.

Xasan ayaa waxa uu sidoo kale Faarax u sheegay in Talaabada ugu horeyso oo ay qaadi doonaan ay tahay in la kala jabiyo Xildhibaanada, islamarkaana laga dhaadhacsiiyo Ujeedka Mooshinka, waxaana arrintaasi si diiran usoo dhaweeyay Wasiir Faarax C/qaadir oo la rumeysan yahay inuu sabab u ahaa burqashada Khilaafka Xassan iyo C/weli.

Dhanka kale, Wasiir Faarax oo la dhacsanaa qaabka uu Xasan Sheekh uga tallo bixiyay sida mar kale loo wajihi lahaa Mooshinka, ayaa waxa uu dhankiisa ku biiriyay in ahmiyada koowaad la siiyo Kasbashada Prof. Jawaari iyo in keenista Mooshinka ka hor kulan gaar ah leysugu geeyo Jawaari iyo Xildhibaanada, iyadoona uu arrinkaasi soo dhaweeyay Xasan Sheekh.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com