Gudiga xalinta khilaafaadka oo soo saaray fariin xasaasi ah

Muqdisho (Caasimada Online) – Guddiga Xallinta Khilaafaadka Doorashooyinka dalka ayaa soo saaray war-saxaafadeed uu ku faahfaahinayo hanaankiisa shaqo gudashada, xiligaan xasaasiga ah, isagoo balan qaaday inuu dhowrayo heshiisyadii kala dambeeyey ee laga gaaray doorashada.

Guddiga ayaa qoraalkaan ku sheegay inay is kala qeybiyeen oo maamul goboleed kasta seddax xubnood loo diray, kuwaas oo kor joogteyn doona qaabka ay dowlad goboleedyadu u qabanayaan doorashada xildhibaanada golaha shacabka.

“Guddiga Xallinta Khilaafaadka Doorashada Dadban, wuxuu la socod siinayaa guddiyada heer dowlad goboleed in xubnaha nooga howlgalaya deegaan doorasho kasta ay diyaar u yihiin in ay si buuxda u hubiyaan guddiyada soo xulaya ergooyinka, musharaxiinta iyo ergada la soo xulay in ay buuxiyeen shuruudaha loo dajiyay si waafaqsan heshiiskii golaha wadatashiga qaranka,” ayaa lagu yiri war-saxaafadeedkaan.

Bayaanka guddiga xalinta khilaafaadka doorashada ayaa intaas ku sii daray, “Guddiyada Maamulka Daarashooyinka ee federaal iyo heer dowlad goboleed  waa inay si buuxda u hubiyaan in musharaxiinta u tartameysa kuraasta baarlamaanka, guddiyada soo xulaya ergooyinka iyo ergada lasoo xulayba ay buuxiyeen shuruudihii laga rabay eek u xusan heshiisyada iyo habraacyada doorashada.”

Dhawaan ayaa guddigaan laga eryey todoba xubnood oo gudoomiyihii hore uu ku jiro, waxayna maalmo ka hor Muqdisho ku doorteen guddoomiye cusub, guddigaan oo howshiisu tahay xalinta khilaafaadka ka soo noqda doorashada ayaa dhowr jeer oo hore laga deyriyey daacadnimadiisa.