Guddoomiyihii hore ee gobolka HIIRAAN oo caawa MUQDISHO lagu dilay

Muqdisho (Caasimada Online) – Koox hubeysan ayaa caawa degmada Wadajir ee magaalada Muqdisho ku dishay guddoomiyihii hore ee gobolka Hiiraan Allaha u naxariistee Cabdiraxmaan Ibraahim Macow.

Marxuumka ayaa lagu toogtay banaanka ee Masjid uu ku soo dukaday salaadii cishaha, sida ay dad goobjogogayaal ah u sheegeen Caasimada Online.

Cabdiraxmaan Ibraahim Macow oo mudo dheer ku soo jiray siyaasadda Soomaaliya ayaa haatan u sharaxnaa mid ka mid ah kuraasta golaha shacabka ee laga soo doorto gobolka Hiiraan.

Marxuumka ayaa la soo shaqeeyey Maxkamadihii Islaamka ee mar ka talinayay koonfurta iyo bartamaha Soomaaliya, sidoo kale guddoomiye ayuu mar ka soo noqday gobolka Hiiraan.

Marxuumka Cabdiraxmaan oo caawa la dilay ayaa la sheegay in dhowaan uu Muqdisho ku qabtay munaasabad uu ku shaaciyay inuu yahay musharax u tartami doona mid ka mid ah kursta baarlamaanka faderaalka ee laga soo doorto gobolka Hiiraan.