Saciid Deni oo saddex cod ka helay doorashadii Garoowe – Yaa helay labada kale?

Garoowe (Caasimada Online) – Doorashada Golaha Shacabka ayaa maanta ka bilaabatay maamulka goboleedka Puntland, waxaana la qabtay doorashada shan kursi, oo ka dhacday xerada ciidanka ee 54-aad.

Saciid Deni oo ka mid ah musharixiinta la filayo inay isku soo taagaan xilka madaxweynimo ee Soomaaliya ayaa doorashadii maanta dhacday ka helay 3 cod, ayada oo la doortay saddex qof oo aad ugu dhow.

Labada kursi ee kale ee uusan helin Saciid Deni balse lagu doortay magaalada Garoowe ayaa kala ah HOPP#235 iyo HOPP#200.

Kursiga HOPP#235 waxaa kusoo laabtay xildhibaan Cabdullaahi Bidhaan Warsame, oo ah Wasiirka Kalluumeysiga Xukuumadda Soomaaliya. Halka kusiga HOPP#200 uu kusoo laabtay Xildhibaan Cali Yuusuf Xoosh.

Labadaan xildhibaan oo aan ku aragti aheyn Saciid Deni, islamarkaana ku aragti ahaa madaxweyne Farmaajo ayey dad badan is waydiinayaan sababta keentay inay soo baxaan maadaama doorashada socoto ay tahay mid ay go’aan ka gaarayaan madaxda maamul Goboleedyada.

Labadaan kursi waxaa la sheegay ku dul hagoogteen laba nin oo Jilbo culus ah oo uusan wax ka diidi karin Saciid Deni.

Kursiga HOPP#200 ee laga leeyahay magaalada Garoowe waxaa ku dhagay Islaan Ciise oo codsaday in kursigaan mar kale loo dhaafo xildhibaanka ku fadhiyey oo ah Xildhibaan Cali Yuusuf Xoosh.

Kursiga Labaad ee HOPP#235 oo laga leeyahay degmada Xudun ee Gobolka Sool isna waxaa ku dhagay madaxweyne ku xigeenka Puntland oo Saciid Deni u dhaafay go’aanka kuraasta kale.

Kuraasta kale ee maanta la doortay oo uu kamid yahay kursiga HOPP#166 waxaa kusoo baxay ninka la yiraahdo Axmed Taajir, waxaana keensaday Saciid Deni oo rajeenayo inuu codkiisa helo, waxaana Kursigaan horey ugu fadhiyey Sadiiq Warfaa.

Kursiga HOPP#249 waxaa ku tartamay labo musharax oo kala ah Cabdullaahi Xasan Rooble oo helay 93 cod, waxaana la tartamayay Maxamed Cabdirisaaq Ciise, waxaana ku soo baxay kursigaas Cabdullaahi Xasan Rooble oo ah Wasiiru dowlaha Wasaaradda Waxbarashada Puntland,  waxaa kursigaan horey ugu fadhiyey Sharma’arke Saleebaan, wuxuuna kamid yahay kuraasta uu ku tashanayo Saciid Deni.

Kursiga shanaad ee Maanta lagu doortay Magaalada Garoowe waa HOP#196 oo ay ku tartameen Cabdi Ibrahim Warsame iyo Abshir Cabdi Xuseen Cabdi Ibraahim oo ku soo baxay doorashada ayaa helay 90 cod halka musharaxii la tartamyay oo ahaa Abshir Cabdi Xuseen uu helay 6, codadka xumaaday ayaa ah 2 cod sida uu shaaciyay Guddiga Hirgalinta Doorashooyinka Heer Dowlad Goboleed SEIT Puntland.

Kursigaan ayaa noqday midkii Sedexaad ee uu Maanta helo madaxweynaha Puntland Saciid Deni oo ah musharax la filayo inuu isku soo taago xilka madaxweynimo ee Soomaaliya.