Sidee Wasiir BIDHAAN kursi uga soo helay GAROOWE isagoo ku dhow Farmaajo?

Garowe (Caasimada Online) – Wasiirka kalluumaysiga Soomaaliya Cabdullaahi Bidhaan Warsame ayaa maanta mar kale loo doortay xildhibaan ka tirsan golaha shacabka ee baarlamaanka 11-aad, gaar ahaan xubnaha laga soo doorto Puntland.

Bidhaan, oo aad ugu dhow madaxweyne Farmaajo, ayaa ka mid noqday shan xubnood oo maanta lagu doortay magaalada Garowe, balse waxuu uga duwan yahay xubnaha kale inuu yahay wasiir ka tirsan dowladda federaalka.

Masuuliyiin kale oo ka tirsan dowladda federaalka oo wasiirka gaadiidka iyo duulista hawada Soomaaliya uu ku jiro, ayaa maalmo ka hor dib uga soo laabtay Garowe, iyagoo sheegay in hoggaanka Puntland uu ka hor istaagay inay u tartamaan kuraasta beelahooda.

Wasiir Bidhaan ayaa markii la doortay kadib waxuu galabta la hadlay Idaacadda BBC, isagoo sheegay in rabitaanka beeshiisa oo kaliya uu ku soo baxay.

Cabdullaahi Bidhaan ayaa la weydiiyay sababta loogu ogolaaday inuu u tartamo kursiga beeshiisa, iyadoo wasiirradii kale ee federaalka ay sheegeen in laga hor istaagay tartanka.

“In mar labaad la i doorto waxaa abaalkeeda leh beesheyda, kuraastaan waxaa leh beelo, caqabaduhuna waa kala duwanyihiin mar kasta, laakiin waxaan aad uga mahadnaqayaa in beesheydu i siisay kalsooni mugleh, oo mar labaad ay ii ogolaatay inaan ku metelo golaha shacabka,” ayuu yiri Cabdullahi Bishaan oo wasiir federaal ahaa shan sano.

Mar la weydiiyay waxa ka jira warar sheegaya in madaxweyne ku xigeenka Puntland Axmed Karaash uu ka dambeeyey inuu kursigaas helo ayuu sheegay in arrinkaas aysan waxba ka jirin.

Sidoo kale wasiir Bidhaan ayaa sheegay in Madaxweynaha Puntland aysan waxaba gaar ah kala dhaxeyn, oo kursiga uu ku soo baxay ay u ogolaatay beeshiisa.

“Codkeyga waxaa lagu tirinayaa meeshii ay Soomaaliya dani ugu jirto,” ayuu ku jawaabay mar la weydiiyey musharaxa uu taageeri doono ama uu siin lahaa codkiisa.