Gudoomiyaha Aqalka Sare iyo beesha Caalamka oo ka wada hadlay doorashooyinka

Muqdisho (Caasimadda Online) – Kulankan ay Guddoomiyaha Golaha Aqalka Sare BFS iyo Guddiga Hinddise Sharciyeedka Doorashooshinka Qaranka u xilsaaray Aqalka Sare ayaa kulan Wadajir ah waxa ay la yeesheen safiirada beesha caalamka u fadhiya Soomaaliya ,

Kulanka ayaa intiisa badan waxaa looga hadlay Doorashada 2020-2021 la filayo in ay qabsoonto qaabka ay u dhacayso , Ansixinta  Hindise sharciyeedka Doorashooshinka Qaranka oo haatan horyaala Golaha Aqalka sare , in loo baahan yahay dib u heshiisiin  si Dadka Soomaaliyeed oo mid ah ay u dareeraan doorasho.

Dhinaca kale Guddiga Hinddise Sharciyeedka Doorashooshinka Qaranka u xilsaaray Golaha Aqalka Sare ayaa kulan la qaatay guddiga doorashooyinka Qaranka ,Goobta kulanka ka dhacayay ayaa qodob qodob loo dul istaagay  Hinddise sharciyeedka Doorashooshinka qaranka ,

Kulanka markuu soo gaba gaboobay ayaa warbaahinta Qaranka waxaa la hadashay Guddoomiyaha guddiga doorashooyinka Qaranka Xaliimo Ismaaciil (Xaliima Yarey) waxa ay sheegtay in Guddiga ay sharxeen qodobada hinddise sharciyeedka , 2021 loo balansan yahay in dalka ay ka dhacdo doorasho ,

Sen, Maxamed amiin Sheeq Cusmaan guddoomiyaha Guddiga Hinddise sharciyeedka Doorashooshinka Qaranka u xilsaaray Golaha Aqalka Sare ayaa  sheegay in ay wadaan latashiyo iyo xog uruurin dhanka hindise sharciyeedka doorashooyinka sanad ka dib lagu wado in ay dalka ka dhacaan