Hoggaanka dhaqanka ee gobolka Hiiraan oo bayaan ka soo saaray dhismaha goloyaasha Deegaanka

Muqdisho (Caasimadda Online) – Kulan ay Shalay magaalada muqdisho ay ku yeesheen intabadan duubabka dhaqanka Gobolka Hiiraan ayaa soo saaray bayaan digniin ah oo ku aadan dhismaha Goloyaasha deegaan oo la doonaayo in qaar ka mid ah degmooyinka Hiiraan loo dhiso xilli ay jirto ammaan daro degmooyinka oo go’doonsan iyo beelaha oo aan weli si rasmi ah ugu hishiin dhibaatooyinkii dhex maray.

Hoos ka aqriso bayaanka oo dhameystiran.

KU: Madaxweynaha JFS
KU: Ra’iisul Wasaaraha JFS
KU: Madaxweynaha Dowlad-goboleedka Hirshabeelle
KU: Madaxweyne Ku-xigeenka Dowlad-goboleedka Hirshabeelle
KU: Guddoonka Baarlamaanka Dowlad-goboleedka Hirshabeelle
KU: Xildhibaannada labada Aqal ee Baarlamaanka JFS ee ka soo jeeda Hirshabeelle
KU: Wasiirrada Dowladda Federaalka ah ee ka soo jeeda Gobolka Hiiraan
KU: Hay’adaha ku howlan dhismaha Goleyaasha deegaanada Hiiraan
OG: Hay’adda Center for Research and Dialogue (CRD)
OG: Hay’adda Finish Church Aid (FCA)
OG: Hay’adda Somali Stability Fund (SSF)

Taariikh: 23/01/2020

Ujeeddo: Digniin Dhismaha Goloyayaasha Deegaan

Annaga oo ah Duubabka Dhaqanka ee Gobolka Hiiraan ee magacyadoodu ku saxiixan yihiin halkan waxa aan maalmihii la soo dhaafay shirar is-daba-joog ah ku lahayn Magaalada Muqdisho, annaga oo kaga hadlaynay xaaladda gobolka iyo sidii wax looga qaban lahaa, waxaa si gaar ah u dul-istaagnay.

1. Xaaladda nabad-gelyo, siyaasadeed, dhaqaale iyo bulsho ee degmooyinka Gobolka Hiiraan.
2. Odoyaashu waxay hoosta ka xarriiqeen in gobolku ka mid yahay gobollada ugu badan ee aysan degmooyinkiisu isku gudbi karin, iyadoo degmooyinka qaarkood ay go’doon ku jiraan, taas oo saameyn ku yeelatay nolosha dadka iyo sidii loogu gurman lahaa, loona gaarsiin lahaa adeegyada dawladeed.
3. Odoyaashu waxay ka deyriyeen xaaladda nololeed ee gobolka oo u dhexeeya mar uu la tacaalayo biya-baxo iyo mar ay dadkiisu u dhintaan macluul ka imanaysa biyaha webiga uu gura, iyadoo gobolku ka mid ahaan jiray gobollada ugu kheyraadka badan dalka.
4. Odoyaashu waxay is dul-taageen xaaladda deggenaan la’aanta siyaasadeed ee ka jirta gobolka, taas oo sababtay in dhowrkii biloodba mar la beddelo guddoomiyaha gobolka.

Annaga oo tixgelinay dhammaan arrrimahan ayaa waxa aan ku talinaynaa:-

1. In dib-u-heshiisiin dhab ah loo sameeyo beelaha wada daga Gobolka Hiiraan oo qaarkood ay dhexmareen Dagaal-Sukeeyo welina ay jirto kala-fikir-duwanaansho keenta colaad soo noqnoqota.
2. In Dawladda Federaalka ay gacan ka geysato hanaan dib-u-heshiisiineed oo loo qabto reer Hiiraan, taas oo aasaas u noqon doonta horumar ka hana-qaada gobolka.
3. In maadaama xilligaan aysan suurtagal ahayn in Golo deegaan loo dhiso Degmooyinka Gobolka Hiiraan oo u baahan marka hore in laga shaqeeyo ammaanka iyo sidii go’doonka looga saari lahaa degmooyinka.
4. In Hey’adaha Maxaliga iyo kuwo caalamiga ah ee ku howlan dhismaha sida Center for Research and Dialogue (CRD), Finish Church Aid (FCA), Somali Stability Fund (SSF), iyo hay’adaha kale ee maxaliga ah ee la shaqeeya ay ka fogaadaan inay colaad ay ka dhex abuuraan beelaha wada daga Gobolka Hiiraan oo marka hore u baahan in dhexdooda ay heshiiyaan.
5. In Dawladda Federaalka mashaariic gaar ah u sameyso gobolka oo ka haray Soomaaliya inteeda kale, kuwaas oo wax looga qabanayo kaabayaasha dhaqaalaha gobolka sida biya-xireennada wabiga, jidadka, garoomada, iwm.
6. In xildhibaannada labada aqal baarlamaanka JFS iyo Xubnaha Golaha Wasiirraha heer federal ee ka soo jeeda Gobolka Hiiraan in ay arrintan soo faragaliyaan si degdeg ahna u joojiyaan.

Hoos ka aqriso Magacyada Dhuubabka dhaqanka Gobolka Hiiraan ee kulanka yeeshay.

Magaca Duubka Beesha Saxiixa
1. Ugaas Cali Ugaas Xasan. Makanne
2. Ugaas C/raxman Ugaas C/llaahi Gaaljecel
3. Ugaas C/xakiin Ugaas Maxamed Baajamaal
4. Ugaas Cismaan Ugaas Cilmi Ujeejeen
5. Ugaas C/naasir Ugaas Nuur Jidle
6. Wabar Maxamed Wabar Axmed Baada-cadde
7. Caaqil Maxamed Maxamuud (Deefoow) Surre
8. Wakiil Wabar Cismaan Shiikh Xasan. Jajeele
9. Wakiil Wabar Cabdi Xuseen Dagoodi