Baarlamaanka Puntland oo doortay guddoomiye

Waxaa soo gabo-gaboobay Wareegii labaad ee tartanka doorashada Gudoomiyaha Baarlamaanka Puntland, iyadoona Musharax Axmed Cali Xaashi uuu noqday Gudoomiyaha baarlamaanka Puntland.

Gudoomiye Axmed Cali Xaashi ayaa wareegii labaad 64 mudane ee codaynta ka qaybgalay ka helay 41 waxaana uu ka guulaystay Cabdixakiin Dhoobo daareed oo isna haatan codadkii la tiriyay ka helay 22 cod hal cod waa khasaaray.

  1. Gudoomiyaha Cusub Axmed Cali Xaashi 41 Cod
  2. Musharax Cabdxakiin Dhoobo 22
  3. 1 cod waa Khasaaray

Doorashadii Baarlamaanka ee dhacday 2014 ayaa Cabdixakiin Xaaji Maxamed Dhoobo  waxaa uu ku haray wareega labaad iyadoona uu helay 20 cod 66 xildhibaan ee codaynayay

Gudoomiyaha Baarlamaanka Puntland Axmed Cali Xaashi ayaa kasoo jeeda Gobolka Sanaag, waxaana uu horay usoo hogaamiyay Baarlamaanka Puntland  waxaana uu lasoo shaqeeyay Madaxwaynihii hore ee Puntland Gen Cade Muuse.