BOORSAANI oo billaabaya tallaabadii uu xilka ku waayay Muungaab (Xasan ma aqbali doonaa?)

Muqdisho (Caasimada Online) – Gudoomiyaha gobolka Banaadir Yuusuf Xuseen Jimcaale, oo warbaahinta la hadlay ayaa ka dhawaajiyay inuu dhameystiri howshii uu Muungaab ku waayay shaqada xafiiska Gudoomiyaha gobolka Banaadir.

Yuusuf Xuseen Jimcaale “Boorsaani”, ayaa sheegay iney dhameystiri doonaan qaadida dhamaan waddooyinka dhagxaanta ku xiran ee ku yaala magaalada Muqdisho.

Gudoomiye Boorsaani, wuxuu cadeeyay in magaalada Muqdisho ay tahay caasimada dalka Soomaaliya islamarkaana laga shaqeyn doono bilicda ay leedahay, sida uu hadalka u dhigay.

Dhamaan goobaha la dhigtay dhagxaanta ayuu sheegay iney ku dadaali doonaan sidii lo qaadi, islamarkaana u suuro gali laheyd in dadweynaha ay helaan waddooyin ay maraan, maadaam dad badan ay iska xirteen waddooyinka qaar.

Talaabadaasi ayaa aheyd middii iska hor keentay wasiirka amniga iyo gudoomiyihii hore ee Gobolka Banaadir Muungaab, taasi oo la aaminsan yahay iney markii dambe dhalisay inuu xilka waayo Muungaab.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com