Gudoomiyaha Maxkamadda Sare ee dalka oo shaaciyay Cadaalad darro soo foodsaartay Garsoorayaasha qaar

Muqdisho (Caasimada Online)-Gudoomiyaha Maxkamadda Sare ee dalka Ibraahim Iidle Suleemaan ayaa si kulul uga hadlay xaquuq la’aan ay dowlada Federaalka ku fiirsatay xubnaha ka tirsan Garsoorka dalka, gaar ahaan kuwa ka howlgala xarumaha maamul goboleedyada ka jira dalka.

Guddoomiyaha Maxkamada ayaa sheegay in dowlada Somalia ay ka doonayaan inay xal u hesho xuquuq la’aanta heysa xubnaha Garsoorka dalka ee ka howlgala Gobolada, waxa uuna tilmaamay in wax ka qabashada arrintaas laga doonaayo Wasaarada Cadaalada XFS.

Guddoomiyaha waxa uu su’aal ka keenay sababta xubnaha Garsoorka loogu sameyn la’ yahay miisaaniyad, waxa uuna ku baaqay in wax muuqda laga qabto tabashooyinka ay gudbineyso Garsoorka.

Waxa uu sheegay in aysan ka qadaan wax mushaar ama guno ah dowlada iyo maamulada ay la shaqeyaan, waxa uuna taa ku tilmaamay meel ka dhac loo geysanaayo xubnaha Garsoorka.

Guddoomiyaha waxa uu ka cadosaday Wasiirka Cadaaladda XFS in cabashadaan uu horgeeyo shirka Golaha wasiiradda ee Khamiislaha ah Arintaasi si Garsoorka maamul gobaleedyadda ay xuquuq u yeeshaan.

Sidoo kale, waxa uu Wasaarada ugu baaqay inay ka dhabeyso mas’uuliyada ay u heyso Xukuumada isla markaana ay baadi-goobto dhammaan dhinacyada cadaalad xumida ka tabanaaya.

Haddalka Guddoomiyaha ayaa imaanaya xili Garsoorayaasha lagu dhaliilo inay ka hantiyeen dacwadaha oo ay u kala qaadan qaabab khaldan oo cadaalada ka fog, taa oo ay uga maarmaan xuquuq joogta ah.

Caasimada Online

Xafiiska Muqdisho

Caasimada@live.com