Trump oo ku dhawaaqay inay Qudus tahay Caasimadda Israa’iil

Sidii la filayey Madaxweynaha dalka Mareykanka Trump ayaa si rasmi ah ugu dhawaaqay inay magaalada Barakeysan ee Qudus ay tahay Caasimadda rasmiga ah ee dalka Israa’iil.

Go’aankaan oo ahaa mid la filayey ayuu Turmp si rasmi ah ugu dhawaaqay isagoo ay dhagihiisa kusoo dhacayeen digniin ku aadan arrintaan oo ka kala imaanayey Madaxda Wadamada Islaamka.

Ka hor inta uusan Trump ku dhawaaqin go’aankaan waxaa arrintaas ka digay Maxamuud Abbas oo sheegay in haddii Qudud loo aqoonsado inay tahay Caasimadda Israa’iil ay ka dhallan doonto cawaaqib xumo soo wajahdo Gobolka.

Sidoo kale madaxweynaha dalka Turky ayaa isna sheegay inuu xiriirka u jari doono Israa’iil haddii Qudud loo aqoonsado inay tahay Caasimadda Yahuuda.

Wuxuu ku dhawaaqay kulan deg deg ah oo 18 Bishaan ka dhici doono dalka Turky kaasoo looga arrinsanayo Kiiska Qudud.

Wixii warar ah ee kusoo kordha waan idinla socodsiin doonaa Inshaa Allah.