Ra’iisul wasaare dadban vs ra’iisul wasaraha Somalia: Akhriso awoodaha Shaakir iyo Kheyre

Muqdisho (Caasimadda Online) – Waxaa Galabta Hoolka shirarka ee Madaxtooyada Villa Soomaaliya ka dhacay Munaasabad lagu saxiixay Dhameystirka Heshiiska Ahlsuna iyo Galmudug.

Munaasabadda ayaa waxaa goobjoog ka ahaa Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed C/llaahi Farmaajo, Wasiirka Arrimaha Dibadda Yuusuf Garaad, Wasiirka Arrimaha Gudaha Cabdi Faarax Juxa iyo xubno ka tirsan Golaha Wasiirada.

Heshiiskaas oo ka dhacay Madaxtooyada Villa Somalia ayaa waxaa goobjoog ka ahaa oo dhiniciisa ka saxiixay Wasiirka Arrimaha Gudaha Federaalka iyo Dib u Heshiisiinta Cabdi Faarax Saciid Juxa.

Sheekh Maxamed Shaakir ayaa loo saxiixay inuu noqdo Wasiirka Koowaad ee  Maamulka Galmudug taasoo ka dhigan inay Galmudug noqon doonto Maamul Goboleedkii ugu horreeyey ee yeesho Ra’isulwasaaraha ama Wasiirka koowaad ee Golaha Wasiirada.

Haddaba waxaa is waydiin mudan Awoodaha ay kala leeyihiin Ra’isulwasaaraha dadban ee Galmudug iyo Ra’isulwasaaraha Soomaaliya Xasan Cali Kheyre.

Awoodaha Kheyre ee Dastuuriga ah

Awoodaha loo saxiixay Sheekh Maxamed Shaakir

Waxaa halkaas ka muuqato in awoodda Ra’isulwasaare Kheyre ay tahay mid guud ahaan dalka ah halka Sh. Maxamed Shaakir uu ku egyahay Galmudug.

Sidoo kale Sheekh Maxamed Shaakir awood uma lahan inuu Magacaabo Wasiirada iyo inuu xil ka qaado, waana awood kale oo uu Kheyre kaga hooseeyo.

Caasimada Online
Xafiiska Qaahira
Caasimada@live.com