Gudoomiye Cali Jeyte oo sharraxaad ka bixiyey arrin dood ka dhalisay bulshada

Beledweyne (Caasimada Online) – Gudoomiyaha Gobolka Hiiraan Cali Jeyte Cismaan ayaaka hadlay arrin hadalhayn ka dhex dhalisay bulshada, ka dib markii uu dhowaan shaaciyay inay lacago ku bixinayaan dilka xubin kasta oo ka tirsan maleeshiyada Al-Shabaab.

Gudoomiyaha ayaa 23-kii bishii October abaalmarin lacageed guddoonsiiyay askar ka tirsan Ciidanka Xoogga Dalka iyo kuwa Macawiisleyda, kadib markii ay dileen xubno ka tirsanaa maleeshiyadaasi.

Gudoomiyaha ayaa sheegay inuu amray oo keliya in la dilo Shabaabka dagaalamaya iyo kuwooda sirdoonka ah, ayna tahay in sidaasi loo fahmo.

“Waxaan rabaa hal qodob inaan caddeeyo amaba iftiimiyo, oo ah dhacdadii maalin dhaweyd ka dhacday Aboorey. Anigu waxaan iri ragga qoryaha wato ee Al-Shabaabka ah iyo kuwa sirdoonka ah ee faltamaya madaxooda lacag baan saarnay,” ayuu yiri Gudoomiyaha.

Gudoomiyaha ayaa yiri “Allaha (SWT) wiilka anigu aan dhalay dembiga anigu aan la imaaddo annaa iska leh, wiilka dembiguu la yimaadana, hadduu qaangaarana asagaa iska leh, taasi soo ma cadda? Dembiga aan anigu galay wiilkayga Ilaahay ma u ciqaabayaa? Waa maya, sabab loogu ciqaabaa ma jirto.”

Gudoomiye Jeyte ayaa tilmaamay in kuwa uu amray in la dilo aanay ka mid ahayn xaasaska iyo carruurta Shabaabka, islamarkaana ay kuwaasi yihiin birimageeddo, ayna tahay in la daryeelo.

“Waa ku keligood, waxa aniga aan ka hadlayna ka mid ma ahayn, inaan caddeeyaa rabaa. Birimageedada kuma jirto waxa la dilayo, carruurta iyo dumarka kuma jiraan. Dadka birimageedada ah kuwaa waxaa loo baahan yahay in la xannaaneeyo oo laga saaro howsha shidada ah ee Shabaab ku jiraan,” ayuu yiri Gudoomiye Jeyte.

Jeyte ayaa hadalkiisa ku xoojiyay “Mowduucaas waxaan rabaa inaan saas u qeexo, ninkii waxaan ka hadlay wax aan ahayn ka shaqeeyay, aniga la iguma dabaqi karo, Soomaali inay fahamtaa rabaa.”