Guddoomiyaha gobolka AWDAL oo lagu qaaday weerar culus iyo ciidamo kaga dhintay weerarka

Muqdisho (Caasimada Online) – Kooxo hubeysnaa ayaa goordhow weerar culus ku qaaday Hooyga Gudoomiyaha gobolka Awdal Maxamuud Cali Saleebaan “Ramaax” xili uu ku sugnaa gurigiisa oo ku yaalay degmada Boorame.

Maleeshiyaadka weerarka qaaday ayaa ku hubeysnaa qoryaha darandooriga u dhaca waxa ayna iska caabin xoogan kala kulmeen ilaalada Gudoomiyaha, kuwaa oo dib uga riixay halkaasi.

Maleeshiyaadka weerarka qaaday oo tiro ahaan lagu sheegay ilaa 6, ayaa loo maleynayaa iney weerarka kasoo qaadeen buuraha ku hareereysan magaalada oo ay ku sugan yihiin ciidamo uu hogaamiye Suldaan Wabar oo kasoo horjeeda maamulka Somaliland.

Maxamuud Cali Saleebaan “Ramaax” oo ah Mas’uulka la weeraray ayaa xaqiijiyay inaanu ku waxyeeloobin weerarkaasi, islamarkaana ay ilaaladiisii ka hortagtey kuwii weerarka soo qaaday, oo u cararay dhinaca xuduuda Ethiopia.

Weerarka ayaa waxaa ku geeriyooday labo kamid ah ilaalada gudoomiyaha gobolka Awdal kuwaasi oo xiliga weerarka ku sugnaa afafka hore ee guriga, waxaana dhaawac uu kasoo gaaray labo ruux oo kale.

Dhanka kale, weerarka ayaa noqonaayo kii ugu horeeyay oo qaab ceynkaasi ah u dhaca, waxaana weerarkaasi lala xiriirinayaa fulintiisa Maleeshiyaadka wabarka.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com