Saraakiisha Jabuuti iyo Ethiopia ee Soomaaliya oo ay ka dhex tafan tahay, lagana cabsi qabo…

Muqdisho (Caasimada Online) – Maamulka Gobolka Hiiraan ayaa beeniyay inuu jiro khilaaf ka dhexeeya Saraakiisha Ciidamada Jabuuti iyo Ethiopia ee ka howlgala Gobolka Hiiraan.

Sheekh Xuseen Cismaan Cali oo ah Guddoomiye ku-xigeenka Arrimaha Bulshada Gobolka Hiiraan Xuseen Cismaan Cali ayaa sheegay inay jiraan warar ay faafiyeen warbaahinta oo sheegaya in inuu jiro Khilaaf xoogan oo ka dhexeeya labada dhinac waxa uuna beeniyay inuu jiro Khilaafkaasi.

Waxa uu sheegay inay jiraan dad fidiya warxumo tashiilka, waxa uuna tilmaamay inuu cadeynaayo in khilaafka Saraakiisha Jubuuti iyo Ethiopia uusan waxba ka jirin.

‘’Anagu ma garaneyno halka ay isku khilaafen Saraakiisha Jabuuti iyo kuwa Ethiopia, waayo anagu waxaan la socnaa inuusan jirin wax khilaaf ah, saxaafada qaar waxa ay naga baahisay warar aan sal iyo baar ku laheyn xaqiiqda jirta’’

Waxa uuu tilmaamay in hadaladaasi la baahinaayo lagu carqaladeynaayo shirka la filaayo in lagu qabto Magaalada Beledweyne ee xarunta gobolka Hiiraan.

Arrinta la xiriirta Khilaafka Ciidamada Ethiopia iyo kuwa Jabuuti ayaa aad waxaa u hadal haayay Warbaahinta dalka, inkastoo ay horay u jireen jawaabo ay labada Dowladood hawada isku mariyeen.

Dhawaan ayaa waxaa soo ifbaxayay warar sheegaya in uu jiro khilaaf la xiriira hanaanka ay u soconayaan Howlgalladaasi ,iyadoona arrintaasi ay been abuur ku tilmaameen Masuuliyiinta maamulka Gobolka Hiiraan.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com