Gudoomiye Maxamed Sheekh Cusmaan Jawaari “Dadka Dhahaya Wuu Is Casilayaa Riyo Ayay Ku Jiraan”

Muqdisho-(Caasimadda Online)-Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Maxamed Cusmaan Jawaari oo goor dhow la hadlayay Warbaahinta ayaa aqbalay mooshinka laga keenay, isagoo sheegay inuu diyaar u yahay in cod lagu kala baxo.

Jawaari ayaa waxaa uu xildhibaannada ku jira Guddiga joogtada ah ugu baaqay in ay dhowraan xeer hoosaadka Baaralamaanka islamarkaana mooshinkan inta aysan dhamaan toban maalmood oo uu xeer hoosaadka farayo la horgeeyo Golaha shacabka.

waxaa jiray Xildhibaanno ay ka mid ahaayeen Aadan Maxamed Nuur Madoobe,Xildhibaan Afaraale iyo Xildhibaan Daahir Amiin Jeesow oo ugu baaqay Guddoomiyaha Baarlamaanka in uu is casilo.

Afhayeenka golaha shacabka oo ay ku furanyihiin mowjado siyaasadeed oo ka dhashay muranka xoogeystay ee u dhaxeeya isaga iyo Ra”iisulwasaare Xasan Cali Kheyre ayaa sheegay in waxba kama jiraan ay yihiin wararka lagu faafiyay Baraha Bulshada.

“Waxaan u sheegayaa dadka faafinaya in aan iscasilayo riyo ayay ku jiraan waxaan soo maamulay Madaxweynayaal hore Ra’isulwasaarayaal marka waxaan idiin sheegayaa in uu sharcigu sareeyo isagana lagu kala baxayo”

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com