Soomaaliland oo sheegtay in Qadar ay caqabad ku tahay heshiiska DP World.

Hargeysa (Caasimadda Online) – Madaxweynaha Somaliland Muse Bixi Cabdi ayaa u sheegay Jariidad kaso baxda dalka Imaaradka Carabta in dowladda Qatar ay carqaladeynayso heshiiska Somaliland ay la gashay shirkadda DP World ee laga leeyahay Imaaradka.

Mr Bixi ayaa u waramay Jariidada Alceyn waxana uu u sheegay in dowladda Qatar ay ka shaqeenayso sidii meesha looga saari lahaa heshiiska maalgashi ay la saxiixdeen shirkadda DP world.

Waxa uu tilmaamay inaysan jirin wax xiriir maalgashi ah oo kala dhaxeeya dowladda Qatar marka loo eego Sacuudiga iyo Imaaradka oo xiriir dhow ah ay leeyihiin.

Madaxweynaha Somaliland ayaa uga digay Qatar inay joojiso faragalinta toos ah uu sheegay inay ku hayso heshiiskaasi inkastoo si dhab ah uusan u cadeen qaabka ay Qatar saameynta ugu leedahay heshiiska dhacay balse waxaa xusid mudan in Qatar ay colaad diplomasiyadeed kala dhaxeeyo dalka isku taga Imaaradka Carabta.

“Qatar waxay u taagan tahay inay joojiso heshiiska, waa cadawga heshiiska maalgashiga Dekeda Berbera ee DP World”ayuu yiri Madaxweyne Biixi.

Waxaa uu sheegay in Qatar aanay soomaali badan ku sugneyn, taa bedelkeed waxaa uu xusay in Sacuudiga iyo Imaaraadka ay ku nool yihiin maalgashadayaal fara badan.

Madaxweyne Biixi ayaa sheegay in Imaaraadka Carabta iyo Sacuudiga ay wadaagaan xiriir dhanka badda ah, isagoo xusay in Berbera iyo magaalada Jeddah ay isu jiraan illaa 300KM dhanka Badda.

Horaantii bishan March ayaa Shirkadda DP World heshiis ku saabsan maalgashiga Dekeda Berbera la saxiixatay Somaliland, waxaana heshiiskan uu ahaa mid saddex geesood ah oo lagu qeybsaday saamiga Dekeda, kaasoo u dhaxeeya Itoobiya, DP World iyo Somaliland.

Dowladda Qatar ayaan ilaa iyo hadda ka jawaab eedeynta kaga timid Somaliland.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com