27.9 C
Mogadishu
Monday, April 27, 2026

Muungaab oo safarkiisii u horreeyay ugu baxay dibadda

Bookmark
Bookmarked

Share

Muqdisho (Caasimada Online) – Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna duqa magaalada Muqdisho, Mudane Xasan Maxamed Xuseen (Muungaab) ayaa Axaddii u baxay safarkiisii ugu horreeyay ee dibadda, sida uu xaqiijiyay Agaasimaha Warfaafinta Gobolka, Xuseen Cabdulle.

Qoraal uu soo saaray agaasimaha ayaa waxaa uu ku faah-faahiyay socdaalka guddoomiyaha, balse ma shaaci ujeedka rasmiga ah ee safarkiisa iyo dalka uu u baxay intaba.

“Guddoomiyaha Maamulka Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho, Dr. Xasan Maxamed Xuseen (Muungaab), ayaa maanta u baxay safar dibadda ah, waana markii ugu horreysay ee uu dalka ka dhoofo tan iyo markii uu xilka la wareegay bishii May ee sannadkii hore” ayuu yiri Muungaab.

Sidoo kale wuxuu agaasimuhu intaas ku daray in duqa Muqdisho muhiimaddiisa koowaad uu siiyay horumarinta caasimada, isla markaana uu wax badan ka qabtay waajibaadka loo xilsaaray, sida Dhismaha waddooyinka iyo doorashooyinkii golaha deegaanka.

“Guddoomiye Dr. Muungaab ayaa si joogto ah ugu sugnaa Muqdisho tan iyo magacaabistiisa, isaga oo ku adkeystay in uu marka hore waqtigiisa geliyo gudashada waajibaadkii loo xilsaaray oo ay ka mid ahaayeen meelmarinta qorshayaasha horumarineed ee Caasimadda iyo taageeridda ajandayaashii qaran sida Doorashooyinka Golayaasha Deegaanka ee ka qabsoomay Muqdisho” ayuu sii raaciyay Xuseen Cabdulle.

Waxaa kale oo uu bayaankiisa kusii daray “Joogitaankiisii dheeraa ee uusan xafiiska uga bixin muddadii uu xilka haayay waxa ay suurtogalisay in ay bulshada Caasimaddu maanta ka wada marqaati-kacayaan isbeddelka iyo waxqabadka muuqda ee laga sameeyay dadaallada dib-u-dhiska, bilic-soo-celinta, dib-u-habaynta Maamulka iyo horumarinta adeegyada bulshada oo uu ku guuleystay Maamulka Gobolka Banaadir”.

Maamulka Gobolka Banaadir ayaa maalmahan dambe waday qorshe guud oo lagu hormarinayo caasimada, waxaana dib loo dhisay waddooyin muhiim u ah shacabka, iyadoo sidoo kale wax laga qabtay nadaafadda caasimada.

- Advertisement -

Read more

Local News