28 C
Mogadishu
Monday, April 27, 2026

Fu’aad Nuur oo lagu dilay Muqdisho – Yaa ka dambeeyay?

Bookmark
Bookmarked

Share

Muqdisho (Caasimada Online) – Faah-faahinno dheeraad ah ayaa kasoo baxaya dil askari ka tirsan ciidamada dowladda uu ka gaystay Muqdisho, kaas oo lagu kala kacay wiil dhalinyaro ah oo lagu magacaabi jiray Fu’aad Nuur Xasan oo 23 sano jir ahaa.

Marxuumka oo Kirishbooy ahaa ayaa lagu dilay bar-koontarool oo ku taalla xaafadda Seybiyaano, halkaas oo ay ku sugnaayeen ciidamo Boolis ah.

Mid kamid ah ehellada Fu’aad oo la hadlay Shabelle Tv ayaa ka warbixiyay dilka, wuxuuna sheegay in lacag 10 kun oo Shilin Soomaali ah darteed loo dilay marxuumka.

“Walaalkey waxaa dilay askari ka tirsan Booliska oo ku sugan Seybiyaano wuxuu ku yiri lacag keen markii uu diidayna xabad ayuu ku dhuftay cadaalad ayaan rabnaa annaga” ayuu yiri mid kamid ah ehellada marxuumka.

Sidoo kale wuxuu tilmaamay in iyagu qabteen eedeysanaha, kadibna ay ku wareejiyeen ciidamada amniga, sidaas lagu xiray.

“Yarka darawalka iyo annaga ayaan qabanay kuwa amniga ayaan farta ka saarnay waana soo kaxeeyeen saldhigga Hodan ayaa lagu xiray” ayuu mar kale yiri

Waxaa kale oo uu kusii daray “Illaah adda cid noo imaato ma jirto annaga masaakiin ah ayaa nahay kaligeen ayaana jooga isbitaalka”.

Dilka wiilkan ayaa kamid noqonayo tiro dhalinyaro ah oo siyaabo kala duwan loogu dilay, kuwaas oo qaarkood loo beegsaday lacago baad ah.

- Advertisement -

Read more

Local News