Gudoomiye Taabit oo xalay waqti la qaatay ciidamadda ku sugan wadooyinka laga soo galo Muqdisho + Sawiro

Caasimadda Online (Muqdisho): Duqa Muqdisho ayaa xalay waqti fiican la qaatay ciidamadda ku sugan wadooyinka laga soo galo caasimadda isagoo socdaal dheer ku maray daafaha magaaladda, Socdaalka Gudoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho waxaa ku wehliyay Xubno ka tirsan Maamulkiisa sida Gudoomiyaasha Degmooyinka Xamar Jajab, Waaberi iyo Hodan.

Goobaha ay tagaan Gudoomiyaha Gobolka iyo Xubnihii la socday ayaa u badnaa halka laga soo galo Magaalada Muqdisho Sida Suuqa Xoolaha, Daaru Salaam, Siinka Dheer, Kaxda, Xoosh iyo Goobo kale.

Gudoomiye Thaabit ayaa Warbaahinta kula hadlay Deegaanka Siinka dheer isagoona la wadaagay waxyaabaha ay ku soo arkeen intii ay ku guda jireen kormeerkooda iyo ujeedka ay ka la haayeenba.

Waxa uuna sheegay in uu la kulmay ciidamo xiliga kala badalka waqtiga ee saqda dhexe u taagan gudashada Waajibaadka saaran, isla markaana uu ku dhacayo Qaboowga Habeenkii.

Ciidamada Amniga ee duleedyada ku sugan ayuu ku tilmaamay in ay isku howleen sugidda amniga, waxa uuna Sheegay in dhawaan uu taalo xusuuseed loo dhisi doono dadkii ku dhintay Qaraxii Soobe ka dhacay 2017-dii.

Sanadkaan ayuu rajeeyey in Soomaaliya ay kasoo kabsato dhibaatooyinkii soo wajahay sanadkii dhamaaday ee 2017-kii, wuxuu qeybinayay gudoomiye Taabit raashin bisil iyo cabitaano.

Caasimadda Online
Muqdisho-Somalia
caasimada@live.com