Madaxweyne Farmaajo oo lagu wado in maanta uu qalinka ku duugo…

Muqdisho (Caasimada Online)-Sida aan wararkeena hore ku sheegnay Xildhibaanada Aqalka Sare ee baarlamaanka Somalia ayaa maalintii shalay ansixiyay Miisaaniyada dowladda sanadka 2018.

Miisaaniyada ayaa waxaa horay 13-kii Bishaan u ansixiyay Xildhibaanada Golaha Shacabka ee baarlamaanka Somalia, waxa ayna sidaa uga soo dhamaatay labada baarlamaan.

Miisaaniyada la ansixiyay ee sanadkaan ayaa inbadan ka duwan miisaaniyada sanadkii hore ee 2017,waxana Miisaaniyada dowladda ee Sanadkaan ay tahay 274 Milyan oo Dollar.

Miisaaniyada ayaa waxaa qeyb ka ah dhismaha iyo horumarinta Xarunta Akadeemiyada Fanka iyo Suugaanta, oo xukuumada Somalia ay rumeysan tahay inaan laga maarmin dib usoo celinteeda.

Waxaa maanta la filayaa in Madaxweyne Farmaajo uu saxiixo miisaaniyada dowladda ee Sanadka 2018, sidaasina ay ansax ku noqoto.

Madaxweynaha oo loo gudbiyay Miisaanida ayaa waxaa lagu balansan yahay in manta uu qalinka kusoo duugo, si ay u dhaqan gasho isticmaalka miisaaniyada sanadka cusub ee 2018 oo iminka aan ku jirno.

Dhinaca kale, Xukuumada Somalia ayaa sheegtay in kororka miisaaniyada sanadka 2018 ay ugu wacan tahay kordhin lagu sameeyay hanaankii lagu bixin jiray lacagta.

Caasimada Online

Xafiiska Muqdisho

Caasimada@live.com