Imisa ganacsato Soomaali ah ayaa sanadii 2017 lagu dilay dalka South Africa? (Akhriso)

Cape Town (Caasimada Online)-Warbixin ay Soo saartay mid kamid ah jaaliyadaha Soomaalida South Africa ayaa lagu sheegay in wali ay taagantahay dhibaatadii joogtada aheyd ee lagu bartilmaameedsanayay Soomaalida South Africa, waxay xaqiijiyeen tirada dadka Soomaalida ah ee lagu dilay dalka South Afrika iyo qiyaasta qiimaha hantida ah ee lagubay amaba la boobay sanadka 2017-ka.

Save Somali Commnunity oo ah jaaliyadda soo saartay warbixintaasi ayaa sheegtay in sanadka 2017 lagu dilay dalka South Afrika dad Soomaali ah oo tira ahaan kor u dhaafaya 137 qof  oo intooda badan lagu dilay iyagoo ku sugan goobahooda ganacsiga, halka qaarka kale ay u adeegayeen dukaamadooda.

Warbixintan ayaa sidoo kale lagu faah-faahiyay gobalada lagu kala dilay dadkaasi, iyadoo gobalka Western Cape ee magaala madaxdiisu tahay Cape Town lagu dilay sanadkan dadka ugu badan oo tira ahaan lagu sheegay 53 qof.

Halka deegaanada hoosyimaada Johannesburg iyo guud ahaanba gobalka Gauteng lagu dilay 42 qof.

Sidoo kale gobalada Limpopo iyo Eastern ayaa isku darkoodu waxaa lagu dilay dad tira ahaan lagu sheegay 36 qof.

Warbixinta ayaa intaasi raaciyay iney jiraan 74 qof oo Soomaali ah oo uu soo gaaray dhaawacyo kala duwan, halka hanti aad u badan oo gaadiid iyo dukaamaba leh la gubay qaarna la dhacay.

Guddoomiyaha Save Somali Community Cabdi Calas Guure oo aan arrinkaasi si gaar ah uga wareysanay ayaa sheegay in ilaa iyo hadda aan la xaqiijin Karin tirada saxda ah ee dadka lagu dilay gobalka Kwazulu-Natal, balse ay ku mashquulsanyihiin sidii ay ku hali lahaayeen xogta arrintaasi ku aadan.

Soomaalida South Afrika ayaa ah dhibanayaal si joogta ah loogu dilo dalka South Afrika, mana jirto cid muuqaata oo ku howlan wax ka qabashada dilka iyo dhaca loogeysto Soomaalida South Africa, marka laga reebo dowladda dalka South Afrika oo mararka qaar isku dayda iney sameeyso barnaamijyo wacyi galin ah, iyadoo ciidamada police-ku ay har iyo habeenba u taaganyihiin sugidda amaanka guud ee dalka South Afrika.

Abdikarim Mursal Farah

Cape Town South Africa