Sawirro: Sidee ayey u dhacday booqashada RW Kheyre ee Hoyga Cabdi Qeybdiid?

Muqdisho (Caasimada Online)-Ra’isul wasaaraha Xukuumadda Federaalka ah ee SomaliaXasan Cali Khayre ayaa hoyga uu ka degan yahay magaalada Muqdisho ku booqday Senator Cabdi Xasan Cawaale oo ah guddoomiyaha Guddiga Dastuurka ee Baarlamaanka Somalia.

Booqashada Ra’isul wasaaraha ayaa la xiriirtay in uu la qeybsado dareenka ka dhashey falkii lagu weeraray gurigiisa Cabdi Qeybdiid laba maalin un ka hor, kadib markii ay galeen Ciidamo Soomaali oo ka amar qaata dowlada Imaaraadka Carabta.

Ra’isul wasaaraha ayaa u muujiyay Senator Cabdi Qeybdiid in Dowladda Somalia ay ka xuntahay falkaasi weerarka ah,islamarkaana ay Dowladdu ka jawaabi doonto.

Waxaa falkaasi loo xirey ilaa 41 askari iyo Saraakiil, kuwaasi oo loo haysto in ay ku lug leeyihiin weerarkaasi,waxaana ku socda baaritaano.