Wasiirada Galmudug oo war cad kasoo saaray weerarkii lagu qaaday Hooyga C/Qeybdiid

Muqdisho (Caasimada Online)-Maamulka Galmudug ayaa ka hor imaaday talaabooyinka lagu weeraraayo Xubnaha dowlada iyo kuwa mucaaradka ah ee ku dhaqan magaalada Muqdisho.

Shir ay isugu imaaden Golaha wasiirada maamul goboleedka Galmudug ayaa  cambaareeyay falkii shalay lagu weeraray guriga Gudoomiyaha Guddiga Dastuurka Labada Aqal ee Baarlamaanka Soomaaliya Cabdi Xasan Cawaale (Qeybdiid).