Waa kuma Sarkaalka NISA ka tirsan ee loo xiray Weerarkii Guriga Senator Cabdi Qeybdiid?

Muqdisho (Caasimadda Online) – Wararka laga helayo magaalada Muqdisho ayaa sheegaya in sarkaal ka tirsan Nabadsugidda Soomaaliya uu ka mid noqday dadka loo xiray falkii ka dhacay Guriga Senator Cabdi Xasan Cawaale (Qeybdiid).

Wararka ayaa sheegaya in taliyaha NISA ee degmada Hodon ninka lagu magacaabo Bashiir cabdi Siyaad loo xiray weerarka shalay lagu qaaday Guriga Cabdi Qeybdiid, waxaana la sheegay inuu sarkaalkan ahaa qofkii ugu horeeyay ee taga Guriga Cabdi Qeybdiid markii ay qabsadeen ciidamada weerarka ku qaaday isagoo kala hadlay in Guriga uu leeyahay mas’uul xasaanad leh.

Lama oga ujeedada loo xiray Taliyaha NISA ee degmada Hodon, laakiin waxaa la sheegay inay ka mid tahay baaritaan ballaaran oo lagu hayo kiiska weerarka ka dhacay Guriga oo sidoo kale loo xiray 41 askari oo ay kuwa ay tababartay dowladda Imaaraadka.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com