Gudoomiyihii deegaanka Garasbaaley iyo dhowr qof oo kale oo qarax lagu dilay

Muqdisho (Caasimada Online) – Gudoomiyihii deegaanka Garasbaaley, Cabdiraxmaan Garyare ayaa lagu soo waramayaa inuu ku dhintay qarax lala beegsaday gaarigiisa, xili uu ku sugna deegaankaas oo ah duleedka Muqdisho.

Qaraxa ayaa sidoo kale waxaa ku geeriyooday laba kamid ah ilaaladiisa oo xiliga uu qaraxu haleelay gaarigiisa la socday guddoomiye Garyare Allaha unaxariiste.

Gudoomiye Cabdiraxmaan Garyare AUN ayaa kasoo baxay Salaadda Jimcaha oo bulshada deegaanka uu kula tukaday Masjid ku yaala deegaanka Garas-baaley.

Garyare ayaa kaalin mug leh kasoo qaatay dhismaha deegaanka Garasbaaleey oo kamid ahaa aasaasayaasha deegaanka, wuxuuna gudoomiye ka ahaa Garasbaaley sanado badan.

Ma jirto illaa iyo hadda cid sheegatay mas’uuliyada qaraxaas, hase yeeshe inta badan waxa qaraxyada noocaan ah fuliya kooxda Al-Shabaab oo ayadu dagaal adag kula jirta mas’uuliyiinta dowladda.

Afar bil ka hor unbey aheyd markii sidan oo kale ay ku dhinteen qaraxa lagula eegtay Garasbaaley Gudoomiye ku-xigeenkiisa iyo gudoomiyihii dhalinyarada ee deegaankaas.