Gudoomiyihii maxkamada sare ee Somalia oo dalab u gudbiyay SOMALILAND

Muqdisho (Caasimada Online) ― Guddoomiyihii hore ee Maxkamadda sare ee Soomaaliya, Ibraahin Iidle Suleymaan, ayaa codsi u diray Xukuumada Somaliland ee uu hogaamiyo Madaxweyne Muuse Biixi.

Ibraahin Iidle ayaa Ciidamada Booliska Somaliland ka codsaday in baaris lagu sameeyo dil toogasho oo ka dhacay degmada Ceel-Afweyne.

Mudane Iidle ayaa sheegay in dilkaasi loo geystay wiil uu adeer u yahay, oo lagu magacaabi jirey ‘Rooble Mahdi Iidle’.

Ibraahin ayaa xukuumada Biixi ka dalbaday in cadaalada la horgeeyay cidii ka dambeysay dilka loo geystay wiilka uu adeerka u yahay.

“Waxaan ka codsanaynaa Bileyska Somaliland inay baadhis rasmiya ku sameeyaan toogashada shalay lagu diley Rooble Mahdi Iidle, taas oo ka dhacday magaalada Ceel Afweyn, isla markaana caddaalada la horgeeyo ciddii ka danbeysey” ayuu yiri Ibraahin Iidle.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com