Heshiiskii xisbiyada ee doorashooyinka Somaliland oo si adag looga hor-yimid

Borama (Caasimada Online) ― Maxamed Xuseen Maydhane, Maayarkii hore ee degmada Boorama ayaa si adag uga hor yimid heshiis ay dhowaan saddexda xisbi ka gaareen khilaafkii mudada badan ka taagna qabsoomida doorashooyinka Somaliland.

Maxamed Maydhane ayaa heshiiskaasi waxa uu ku tilmaamay mid dhinac ka raran oo aan marnaba wax faa’iido ah aysan ugu jirin bulshada reer Awdal.

Maydhane ayaa si weyn wuxuu u dhaliilay qodobada heshiiska ay wada-galeen xisbiyadu, isagoona xusay in beelaha darafyada ay wax-badan tabanayaan oo aheyd in xalkooda lagu soo daro heshiiskasi.

Maayirkii hore ee degmada Boorama, Maxamed Xuseen Maydhane oo arrimahaasi ka hadlayana wuxuu yiri “Saddexda xisbi guddoomiyayaashoodu waa heshiinay ayey lahaayen, waxaanu u aragnaa anagu hadaan nahay dadka reer Awdal mid dhinac ka raran”.

“Labo qof oo komishanka lagu soo kordhiyaa waxa yaala wax ka weyn buu ahaa, dad baa wax tabanayey, Saamigii baa yaalay 2005-tii ilaa iminka, markaa arrintaasi maaha mid haboon, waxaana leenahay xaqiiqda ha loo dhaadhaco, masiirka umada kale ee la dagan beesha dhexe wuu maqanyahe ha loo noqdo”.

Wuxuuna intaas kusii daray “Somaliland haddii la wada leeyahay umadaha wax tirsanaya xaqoodii in heshiiska lagu soo qaado ayey aheyd oo saamigii ah, haddii idinkii un beesha dhexe isku mushxarado caqliyad ma noqoneyso, saddexda guddoomiye beel kaliya ayey ka soo wada jeedan. Waxaanu leenahay fadhigaasi uga noqda fadhi”.

Caasimada Online
Xafiiska Hargeysa
Caasimada@live.com