Cabdikariin Guuleed oo weeraray Xasan Sheikh ka shifayna sir badan oo uu Xasan Sh. qarinayo

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha maamulka Galmudug C/kariin Xuseen Gulleed, ayaa ka hadlay Siyaasada cakiran ee iminka ka taagan Dalka Somalia, xili dhawaan la filaayo in dalka uu ka dhaco doorasho.

Gulleed ayaa sheegay in Somalia ay u baahan tahay Siyaasiyiin meyl adag oo dhidibada u aaso aayaha Somalia, waxa uuna rajo beel ka dhigay dib usoo nooleynta qorshihii laga lahaa shirka ku fashilmay Kismaayo.

Gulleed waxa uu tilmaamay inuu dhaliilsan yahay qaabka ay iminka u socto Siyaasada Somalia, waxa uuna gaashaanka ku dhuftay inay soo ifbaxeyso borobagaandada laga faafinaayo Qaranimada Somalia.

Wuxuu si Siyaasadeysan u sheegay in inta badan Madaxdu ay ku celceliso in Somalia aysan gacanta ugu jirin cadow ama Dowlado daris la’ah, hayeeshee waxa uu qiray in Somalia ay kala bar gacanta ugu jirto mid kamid ah Dowladaha dariska la ah, inkastoo uusan sheegin mida ay tahay.

Dowlada Somalia ayuu sheegay in hal ku dhigeedu uu noqday ”Somalia gumeysi kuma jirto” balse waxa uu markii ugu horeysay cadeeyay in Somalia ay dhexda ka fadhiso Gumeysi isugu jira mid muuqda iyo mid aan muuqan.

Mar uu la talinaayay DFS, gaar ahaan Madaxweyne Xassan Sheekh ayuu sheegay in muhiim ay tahay in laga aamuso faragalinta Dowladaha dariska ay ku hayaan Somalia ama in laga hadlo islamarkaana lala imaado ficil muuqda oo Jawaab u noqonkarta Dowladahaasi.

Gulleed ayaa markii ugu horeysay ku dhiiraday in Madaxweyne Xassan Sheekh uu u sheego xaqiiqda jirto, waxa uuna haddalkaani ka sheegay kulan ka dhacay Villa Somalia saacado un ka hor inta aysan madaxdaani u safrin magaalada Baydhabo.

Haddalka Madaxweyne Gulleed ayaa imaanaya xili inta badan Saxaafada Somalia ay C/kariin ku lifaaqdo madaxweyne Xassan oo la sheego inuu kala dhexeeyo xiriir fog, waxa uuna hadalkiisa u muuqdaa mid uu isaga fogeynaayo tuhunkaasi.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com