GURI ay daganaayeen Al-Shabaab iyo kaydkoodii qaraxyada oo la burburiyay

Dhuusamareeb (Caasimada Online) – Faahfaahino dheeraad ah ayaa waxaa laga helayaa duqeyn xoogan oo xalay diyaarado dagaal ay ka fuliyeen degmada Galhareeri ee gobolka Galgaduud, halkaas oo ay muddo dheer ku sugan yihiin xubnaha Al-Shabaab.

Howlgalkan oo ay iska kaashadeen ciidamada Xoogga dalka, kuwa deegaanka & saaxibada caalamiga ah ayaa lagu beegsaday kaydkii qaraxyada Al-Shabaab iyo guri ay daganaayeen xubno ka tirsan kooxda, sida lagu sheegay qoraal kasoo baxay dowladda Soomaaliya.

“Bartilmaameedka weerarka ayaa ahaa guri ay deganaayeen maleeshiyada Argagixisada ah iyo Xaruntii keydka Qaraxyada oo mar kale duqeyn loo gaystay lana burburiyay” ayaa lagu yiri warsaxaafadeedka.

Sidoo kale dowladda Soomaaliya ayaa shaaca ka qaaday in weerarkan khasaare xoogleh lagu gaarsiiyay kooxda Al-Shabaab, isla markaana dhulka lala simay goobaha la duqeeyay.

“Jab xoogan ayaa maleeshiyada lagu gaarsiiyay weerarkaan oo  ay xogtiisa iska kaashadeen Ciidamada Qaranka iyo dadka deegaanka waxaana dhulka lala simay dhamaan goobihii Howlgalka laga fuliyay” ayaa mar kale lagu yiri qoraalka kasoo baxay dowladda.

Waxaa sidoo kale lasii raaciyay qoraalka “Ciidamada geesiyaasha Qaranka oo kaashana” Shacabka Soomaaliyeed iyo saaxiibada Caalamiga ah waxaa ka go’an soo afjarida maleeshiyada gumaada Shacabka Soomaaliyeed”.

Waa howlgalkii labaad oo saddex maalin gudahood ka dhacaya Galhareeri, waxaana kii ugu dambeeyay lagu burburiyay warshad lagu far-sameeyo qaraxyada iyo xarun Idaacadeed.

Dhanka kale ma jiro wax hadal ah oo kasoo baxay kooxda oo ku aadan howlalkaas iyo duqeynta isla socday ee guusha ka sheegatay dowladda Soomaaliya.

Maalmihii u dambeeyay ayaa waxaa gobollada dhexe ka socday guluf culus oo ay iska kaashanayaan ciidamada dowladda, kuwa deegaanka iyo saaxibada caalamiga ah.