27.2 C
Mogadishu
Wednesday, May 21, 2025

Cali Guudlaawe oo dacwo ka ah Xaadoole + Sababta

Bookmark
Bookmarked

Share

Jowhar (Caasimada Online) – Madaxweynaha Dowlad-goboleedka Hirshabeelle, Cali Guudlaawe ayaa si weyn u eedeeyay Xildhibaan Xaadoole oo ka tirsan Golaha Shacabka, isagoo ka hadlayey munaasabadda furitaanka kalfadhiga Baarlamaanka Hirshabeelle.

Madaxweynuhu wuxuu sheegay in Xildhibaanku uu yahay qof dhibaato ku haya maamulka Hirshabeelle, kana shaqeynaya hagardaamada maamulka, xilli uu dhawaan dhaliilo xooggan u jeediyay dowladda iyo maamulka uu hoggaamiyo.

Guudlaawe ayaa waxa laga xumaado ku tilmaamay hadallada Xaadoole ee ku saabsan maamulka Hirshabeelle, kuwaas oo uu sheegay inay iska horkeenayaan shacabka iyo maamulka. Wuxuu xusay in 38 Xildhibaan oo laga soo doortay maamulka ay ka tirsan yihiin labada Aqal ee BF, kaliya Xaadoole uu ka shaqeeyo dhanka dhibaatooyinka, halkii uu ka taageeri lahaa horumarka iyo wada shaqeynta maamulka, sida uu hadalka u dhigay.

Sidoo kale wuxuu Xildhibaan Xaadoole ugu baaqay inuu ka fiirsado tallaabooyinka uu qaadayo, isagoo ku dhaliilay in taariikhdiisa siyaasadeed ay noqon karto mid xun haddii uu sii wado arrimahan. Wuxuuna sheegay in hadalladiisa xanafta leh ay wax u dhimi karaan naftiisa, isla markaana uu ka fiirsado waxa uu ka tirsan yahay iyo cida uu u adeegayo.

Guudlaawe ayaa sheegay in bulshada Hirshabeelle aysan aqbali doonin hab-dhaqanka noocaas ah, wuxuuna ka digay in isbaaro loo dhigto shacabka, taas oo uu ku eedeeyay xildhibaan Xaadoole.

“Kaama aqbali doono isbaaro dadka loo dhigto, ceeb ayay nagu tahay Hirshabeelle inay shacabka nagu yiraahdaan waxaan taaganahay isbaaradii Cismaan Xaadoole, waxaana rajeynayaa inuu iska dhaafi doono waxyaabaha kale ee uu ku fakarayo, waxaana uu matalaa degaanadii diinta loo doonan jiray ee Balcad, Warshiikh iyo Raage Ceelle, wixii qaldanna aqbali meeyno,” ayuu yiri Madaxweyne Cali Guudlaawe.

Xildhibaan Xaadoole ayaa horay si weyn u weeraray maamulka Guudlaawe oo uu ku tilmaamay mid la dagay maamulka Hirshabeelle, isagoo sheegay in maamulkaasi uusan shaqeynayn oo aan wax horumar ah ka jirin.

Sidoo kale, Xaadoole wuxuu maamulka ku dhaliilay dagaalka Al-Shabaab, oo uu sheegay in uu ka gaabiyay sidii looga hortagi lahaa kooxdaas. Si kastaba ha ahaatee, madaxweynaha Hirshabeelle ayaa sheegay in xaalad kasta oo jirta, maamulka uu ka go’an yahay in uu la dagaalamo kooxaha argagixisada, isla markaana uu hagaajiyo xaaladda amni ee maamulka.

Sida muuqata, is-qabsiga siyaasadeed ee u dhexeeya Xildhibaan Xaadoole iyo Madaxweynaha Hirshabeelle ayaa sii xoogaysanaya, iyadoo labada dhinac ay ku kala aragti duwan yihiin hannaanka ay ku wajahayaan siyaasadda iyo horumarka maamulka.

Madaxweynuhu wuxuu u muuqdaa inuu si xooggan uga hortagayo dhaqanka Xildhibaan Xaadoole, isagoo ku adkaysanaya in maamulka Hirshabeelle uu u adeegayo shacabka si wanaagsan, halka Xaadoole uu u arko in maamulkaas uu yahay mid aan wax horumar ah ka sameynin deegaanka.

- Advertisement -

Read more

Local News