Guudlaawe oo taleefon kula hadlay weriyeyaal ay Al-Shabaab dhaawaceen

Guriceel (Caasimada Online) – Madaxweynaha dowlad goboleedka HirShabelle Cali Cabdulaahi Xuseen Guudlaawe ayaa qadka teleefoonka kula xiriiray wariyeyaashii ku dhaawacmay qarixii saakay ka dhacay duleedka magaalada Matabaan ee gobolka Hiiraan, sida ay shaacisay madaxtooyada maamulkaas.

Madaxweyne Guudlaawe ayaa mid mid ula hadlay labada Wariye ee dhaawacmay oo kala ah, Khaalid Maxamuud Cusmaan (Ilkacase) oo ah Agaasimaha Idaacadda Maamulka HirShabeelle ee gobolka Hiiraan iyo Cabdikariin Shabeelow oo ka mid ah shaqaalaha TV-ga maamulkaas.

Cali Guudlaawe oo weriyaashaan u muujiyay sida uu ula dareemaayo xanuunka dhaawacyada soo gaaray ayaa amray in dhaawacooda loo qaado magaalada Muqdisho.

Dhaawacyada labada Weriye oo maanta la dhigay isbitaalka Istarliin ee degmada Guriceel ayaa lagu wadaa in berri loo qaado magaalada Muqdisho, si daryeel dhaama kan gobolka ay u helaan.

Madaxweynaha HirShabeelle ayaa balan qaaday in si dhow uu ula soca doono xaaladda caafimaad labadaan weriye oo warbaahinta maamulka HirShabeelle ka howlgelayey.

Weriyaashaan ayaa la socday gaari NOAH ah oo qaraxu uu haleelay, waxayna qeyb ka ahaayeen kolonyo gaadiid ah oo la socday guddoomiyaha gobolka Hiiraan Cali Jeyte oo horkacayey howlgallo ay ciidamada dowladdu ku qaadeen Al-Shabaab-kii ku sugnaa duleedka Matabaan.

Inta la xaqiijiyey waxaa qaraxaas ku geeriyootay seddax qof oo kala ah darawalkii gaariga iyo laba askari, wuxuuna qaraxaasi ahaa miino la dhigay wadada dhinaceeda.

Dhinaca kale deegaanada dhaca koonfurta magaalada Matabaan waxaa maanta ka qarxay dagaal culus oo u dhaxeeyey Al-Shabaab iyo ciidanka dowladda, waxaana masuuliyiintii dagaalka hoggaamineysay ka mid ahaa guddoomiyaha gobolka Hiiraan Cali Jeyte, wuxuuna warbaahinta u sheegay in Al-Shabaab ka saareen deegaanadii ay ku weerareen saakay.

Hoos ka dhageyso

https://youtu.be/3b1r4IQYxqY?t=20