Guuleed oo ku biiray shirka ka socda Villa Somalia iyo saxiixa…

Muqdisho (Caasimada Online)-Iyadoo goordhow magaalada Muqdisho uu dib ugu soo laabtay Madaxweynaha maamulka Galmudug C/kariin Xuseen Guuleed, ayaa waxaa la sheegayaa in Garoonka ay kusoo dhaweeyen Mas’uuliyiin uu kamid ahaa Ra’isul wasaaraha dalka Cumar C/rashiid.

Ra’isul wasaaraha dalka oo Garoonka Aadan Cadde kula hadlay Saxaafada ayaa sheegay inuu aad ugu faraxsan yahay in Guuleed uu dalka dib ugu soo laabtay isaga oo caafimaad qaba.

Sharmaarke waxa uu sheegay in Guuleed uu dalka dibadiisa u aaday xaalad caafimaad, balse iminka ay aad ugu faraxsan yihiin in dalka uu kusoo laabto isaga oo caafimaadkiisa taam yahay.

Soo dhaweynta C/kariin Guuleed kadib ayaa waxaa la sheegay in Madaxweyne Guuleed uu si toos ah ugu biiray shir iminka ka socda Madaxtooyada Somalia, kaasi oo u dhexeeya Madaxda DFS iyo kuwa maamul Goboleedyada dalka.

Madaxweyne Guuleed ayaa inta ay socdaan kulamada dhageysan doono qodobadii lagu heshiiyay iyo sida ay Madaxda dowlada iyo kuwa Gobolada isaga kaashan doonaan doorashada.

Guuleed ayaa shirka socda kadib lagu wadaa inuu galo nasiin sida uu sheegay Ra’isul wasaaraha dalka, waxa uuna kusii nagaan doonaa Madaxtooyada Somalia inta uu ka dhameysanaayo nasiinkiisa.

Madaxweynaha Galmudug ayaa shirka madasha ka maqnaa, waxaana matalayay Madaxweyne ku-xigeenka Galmudug Maxamed Xaashi Carabey, hase ahaatee warar soo baxaya ayaa sheegaya in Madaxweyne Guuleed uu saxiixi doono war murtiyeedka shirka lagu wado in laga soo saaro.

Docda kale, Shirka Madasha Wada-tashiga ayaa maraya marxaladihii u dambeeyay, kadib afartii maalmood oo madaxda wada hadalo u socdeen, kaasoo ay go’aano kaga gaarayeen doorashooyinka sanadkan dhacaya.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com