Xog: Sharmaarke iyo Cabdi Weli Gaas oo hal arrin ku heshiiyey

Muqdisho (Caasimada Online)-Ra’isul wasaaraha Xukuumada Somalia Cumar C/rashiid ayaa Madaxtooyada Somalia kulan gaar ah kula qaatay Madaxweynaha maamulka Puntland C/wali Gaas.

Kulanka Cumar C/rashiid iyo C/wali Gaas ayaa oo qaatay ku dhawaad hal saac ayaa waxa ay uga wada hadlayeen arrimaha Doorashooyinka, Dhaqaalaha iyo Qaabka lagu hirgalin lahaa doorasho caadil ah.

Ra’isul wasaare Cumar ayaa C/wali sharaxaad gaar ah ka siiyay xaqiiqda jirta waxa uuna u cadeeyay in Beesha Caalamka ay ka caga jiideyso inay bixiyaan dhaqaalaha ku harsan ee loogu tallo galay in lagu maareeyo doorashada.

Sharmaarke waxa uu C/wali u sheegay in dowladu ay go’aansatay in laga soo gudbo waxyaabihii horay u jiray isla markaana dhaqaalaha qabyada ah ee loogu tallo galay doorashada ay iska kaashtaan dowlada iyo maamul Goboleedyada dalka ka jira sidaa dareedna looga baahan yahay in Puntland ay dheesho kaalinteeda.

Sharmaarke waxa uu tilmaamay in dowladu aysan ka quusan raadinta dhaqaalaha laga sugaayo Beesha Caalamka balse ay mudan tahay in iskutasho la sameeyo si haddii ay dhacdo dib u gurasho dhanka Beesha Caalamka doorashadu u saameyn.

Madaxweyne C/wali ayaa soo dhaweeyay fakirka ah in dowlada Somalia iyo maamulada dalka dhexda u guntadaan sida lagu hirgalin lahaa doorashada iyadoo leysku tashanaayo waxa uuna dhankiisa ka ballanqaaday inuu diyaar u yahay muujinta kaalinta Puntland ay ku leedahay doorashada la filaayo.

C/wali waxa uu sheegay in Puntland ay lamid tahay maamulada kale marka loo eego go’aan qaadashada, waxa uuna ballanqaaday inuu bixin doono wixii dhaqaale ah ee looga maarmi waayo.

Ra’isul wasaare Cumar iyo C/wali Gaas ayaa isla fahmay in maamulada dalka ay kaalin dhan dhaqaale ah ka qaatan doorashada, iyadoo aan laga quusan doonin dhaqaalaha ku maqan dhanka Beesha Caalamka.

Sidoo kale, Sharmaarke ayaa wada dadaal dhaqaale looga qaadayo maamulada kale ee dalka ka jira, gaar ahaan kuwa sharciyeysan, dhaqaalahaasi oo keyd u ahaan doona dowlada, si haddii ay dhacdo dhaqaale xumi loogu biiriyo doorashada.

Si kastaba ha ahaatee, C/wali Gaas ayaa dhawaan wareysi uu siiyay VOA-da ku sheegay in dhaqaalaha dhiman ee doorashada ay iska kaashan doonaan dowlada iyo Beesha Caalamka iyaguna ay garab taagan yihiin dowlada.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com