Xog: Germany oo soo faro-gelisay doorashada Somalia iyo Xasan…

Muqdisho (Caasimada Online)-Wafdi ka socdo wasaarada arimaha dibada ee dowlada Germany ayaa soo gaaray magaalada Muqdisho, waxaana wafdigaasi ay kulamo la qaateen madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheikh Maxamuud.

Georg Schmidt, oo ah agaasimaha guud ee dowlada Germany u qaabilsan wadamada bariga africa ee saxaraha ka hooseeya iyo wafdigiisa ayaa kulamo saacado qaatay la yeeshay madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheikh Maxamuud iyo masuuliyiin kale oo dowlada ka tirsan.

Wafdiga Jarmalka ayaa madaxweynaha Soomaaliya kala hadlay arimo ay kamid yihiin doorashooyinka dib loo dhigay iyo dib u dhiska ciidamada xooga dalka Soomaaliya.

Georg Schmidt, ayaa u sheegay madaxweyne Xasan Sheikh Maxamuud in dowlada Jarmalka door weyn ay ka ciyaari doonto arimaha doorashada Soomaaliya ee dhaceyso labo bil kadib, waxaana uu xusay in beesha caalamka ay kamid yihiin taageerada horumarka Soomaaliya.

Maalintii shalay ayaa gudiga madaxa banaan ee doorashooyinka waxay ku dhawaaqeen in doorashada madaxweynaha ay dhaceyso maalinta ugu dambeyso bisha soo socoto ee October.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com