Xog: Madaxweyne Xasan Sheikh & Jawaari oo loo kala dabqaadayo

Muqdisho (Caasimada Online) – Wararka naga soo gaaraya Madaxtooyada Somalia ayaa sheegaya in halkaasi uu ka socdo kulamo leysugu soo dhaweynaayo Madaxweyne Xassan iyo Guddoomiye Jawaari.

Isku soo dhaweynta Xassan Sheekh iyo Jawaari ayaa waxaa ka qeybqaadanaaya mas’uuliyiin ka tirsan dowlada kuwaasi oo dhexda u guntaday inay soo afmeeran khilaafka yar ee kala fogeeyay labada mas’uul kaasi oo maalmahaani laga dareemaayay madaxtooyada.

Kulamada leysugu soo dhaweynaayo labada mas’uul ayaa ah mid kasoo go’ay Madaxweyne Xassan, sida ay xogtu sheegeyso waxaana lasoo warinayaa in labada mas’uul leysugu geyn doono hal kulan.

Madaxweyne Xassan ayaa cabsi gaar ah ka qaba in Guddoomiyaha Baarlamaanka Somalia uu jaanrogo isaga oo adeegsanaaya Xildhibaanada uu wakhtiga kasii dhamaanaayo.

Jawaari ayaa sidoo kale, baryihii ugu danbeeyay kaalin weyn ka qaadanaayay sida Madaxweyne Xassan Sheekh uu mar kale kusoo laaban lahaa balse khilaafka ayaa yimid kadib markii Xassan Sheekh uu baalmaray sharciga dalka isaga kana biya diiday inuu wareejiyo xilka.

Ilo ku dhow dhow labada mas’uul ayaa xaqiijiyay in xal u raadinta khilaafka labada mas’uul uu yahay mid sahlan bacdamaa Guddiga doorashooyinka uu go’aan ka qaatay howlaha la xiriira doorashooyinka.

Waxa ay intaa kusii dareen ilo wareedka in xalka socda uu sabab u noqon doono in xiriirka labada mas’uul uu dib usoo hagaago, iyadoo la eegaayo xaalada uu dalka ku jiro.

Si kastaba ha ahaatee, waxaan la saadaalinkarin waxa kasoo bixi doona qaababka labada mas’uul loogu kala dabqaadayo.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com