Sawirro: Ujeedka Ciidanka Danab ee Gaalkayo tagay oo la sheegay

Muqdisho (Caasimada Online)-Waxaa weli Gobalka Mudug ku sugan ciidamada Danab ee dhawaan ay halkaasi gaarsiisay dowlada Somalia, kuwaasi oo la sheegay inay la wareegen qeybo kamid ah amniga Koonfurta iyo waqooyiga Magaalada Gaalkacyo.

Ciidamadaani ayaa la sheegay in socodkooda uu yahay mid ku badan goobo dhowr ah oo halkaasi ka tirsan iyaga oo ka sal gaaraya amniga goobahaasi.

Maxamuud Yaasiin Tumay oo ah Gudoomiyaha Degmada Gaalkacyo, ayaa sheegay in ciidamada cusub ee Danab ay si wada jir ah uga shaqayn doonaan Koonfurta iyo Waqooyiga, sida uu hadalka u dhigay.

Sababta ugu weyn ee ciidamadaasi halkaasi loo geeyay ayaa la sheegay inay tahay mid la xiriirta dilalka ka dhaci jiray Magaalada Gaalkacyo ee xarunta Gobalka Mudug,waxaana la sheegay in amni daridaasi ay ka dhalatay wada shaqayn la’aanta Ciidamada Puntland iyo Galmudug.
Danab 1

Danab 2

Danab 3