Sawir qosol badan oo muujinaya dhibaato qoorta ugu jirta Ethiopia

Muqdisho (Caasimada Online) – Sawir gacmeedkaani ayaa lagu cabiray Siyaasad xumida dowlada Ethiopia oo iyadu ku mashquulsan faragalinta iyo carqaladeynta Somalia, waxa uuna Ujeedka sawirkaani yahay in dowlada Ethiopia ay yeelaneyso muuqaalo Qaran jab ah, xili ay ku mashquulsan tahay Siyaasada Somalia.

Dowlada Ethiopia oo iyadu ka mashquushay waxa ka jira dalkeeda ayaa iminka u xuub siibaneysa burburinta Somalia, hayeeshee waxaa iyaduna burburin ay kala kulmeysaa dhinacyada mucaaradka sida ONLF, AMXAAR iyo OROMO oo aan dowlada ku laheyn xuquuq iyo xushmad toona.

Sawirkaani ayaa waxaa lagu muujiyay Qowmiyada gacanta ku heysa awooda dalkaasi oo ku mashquulsan ololinta siyaasada iyo ciribtirka Somalia, balse waxaa iyaguna ku mashquulsan qowmiyado kale.
oromo