“Masiirka shacabka Hiiraan hal beel ayaa afduubtay” Waxaa yiri…

Muqdisho (Caasimada Online) – Odayaasha dhaqanka Gobolka Hiiraan ayaa ka hadlay wararka sheegaya in dhamaan Beelaha dega Gobolka ay kasoo horjeedan shirka ka soconaya magaalada Jowhar ee xarunta Shabeelaha Dhexe.

Odayaasha ayaa sheegay in go’aanka lagu diidaayo shirka Jowhar uu yahay mid gaar u ah tirro Odayaal ah oo kasoo horjeeda masiirka shacabka Gobolka Hiiraan kuwaasi oo ay ku sheegen in wax waliba ay ku dabaqayaan rabitaankooda gaarka ah.

Odayaasha ayaa sheegay in inta badan beelaha dega Gobolka Hiiraan aysan mucaarad ku ahayn maamul loo sameeyo labadaasi Gobol ee Hiiraan iyo Shabeelaha Dhexe.

Muuse Haaruun Aadan oo ka mid ah Nabadoonada Gobolka ayaa sheegay inay ku qanacsan yihiin shirka islamarkaana diidmadu ay tahay mid u gaar ah Hal beel iyo Tirro yar oo odayaal ah kuwaasi oo Siyaasada Gobolka u adeegsaday rabitaankooda.

Nabadoonka waxa uu cadeeyay in go’aankooda uu yahay mid kasoo horjeeda kan Odayaasha diidan shirka Jowhar, sidaa aawgeedna ay raali ku yihiin wixii kasoo baxa shirka maamulka loogu dhisaayo Gobollada Hiiraan iyo Shabeelaha Dhexe.

Geesta kale, waxa uu Nabadoonka sheegay in DFS looga baahan yahay ineysan eegin rabitaanka beel gaar ah oo ay u gudagasho dhismaha maamulka cusub.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com