Xog: Caqabadaha lagaa qariyey ee hortaagan doorashada 2016

Muqdisho (Caasimada Online) – Xildhibaan Cali Nuur Xuseen Boodaaye oo ka tirsan baalramaanka federaalka Soomaaliya, ayaa ka hadlay dhibaatooyinka la filan karo ee ka taagan doorashooyinka dadban ee dalka.

Xildhibaan Boodaaye oo wareysi gaar ah siinaayay Idaacada GJ ee magaalada Muqdisho, ayaa sheegay in dowlada Somalia ay qaaday talaabooyin macquul ah balse ay jiran dhibaatooyin muuqda oo ku xeeran doorashooyinka dadban ee la filaayo inay ka dhacdo dalka.

Xildhibaanka waxa uu sheegay in deeganada qaar ay ka jiraan maamulo qaatay Federaaliisimka, halka qaarna aysan qaadan sida maamulka Somaliland oo deegaan ahaan dhaca dhulka Somalia, kana tirsan maamulada dalka ka jira ee gooniga isaga saaray Somalia.

Xildhibaanka waxa uu sheegay in go’aanada kasoo baxay shirka Madasha Qaran ay yihiin kuwo muhiim ah, balse xiliyada qaar ay ka hor imaanayaan xaalada ka jirta dalka.

”Goobaha doorashadu ka dhici doonto, kuwa cayimanna waa cayiman yihiin kuwa kalena in la isla meel dhigo waxa laga yeeli doono ma garanaayo waayo dalka waxaa ka jira maamulo dhisan oo wixii loo qoondeeyo hirgalin kara, halka qaarna ay yihiin kuwo aan wali dhismin kuwaasi ma sahlanaan doonto sida qoondadooda loo hirgalin lahaa”.

”Somaliland waa qodobka ugu culeyska badan ee taagan marka laga hadlayo goobaha ay doorashadoodu ka dhacayso, waxaa suuragal ah in wakhtiga lagu heshiiyay ee doorashada la gaaro iyadoo aan la hirgalin qaabka qoondadooda”

Xildhibaan Boodaaye waxa uu sidoo kale sheegay inay jiraan caqabado kale oo ku xeeran qaabka doorashooyinka looga hirgalin lahaa deegaanada kale waxa uuna tusaale usoo qaatay Khaatumo oo ah dad Soomaaliyeed oo baarlamaanka ku leh xildhibaanno u matala qaranka, balse ay ku loolamayaan maamulada Puntland iyo Somaliland, taasi oo ah caqabada lama gudbaan ah oo ay adag tahay qaabka xuquuqdooda lagu hirgalin lahaa.

Waxa uu sheegay in Puntland iyo Somaliland mid waliba ay dooneyso inay hesho xuquuqdii la siin lahaa Khaatumo, waxa uuna taasi ku micneeyay mid dhaawaceysa hirgalinta doorashooyinka dadban ee dalka.

Waxa uu sidoo kale sheegay inay jiraan dhibaatooyin fashilinkara doorashooyinka dadban ee dalka waxa uuna tilmaamay in dhibaatadaasi ay kamid tahay maamulka aan dhismin ee Hiiraan iyo shabeellaha dhexe.

Xildhibaanka waxa uu walaac gaar ah ka muujiyay wakhtiga yar ee ka harsan doorashada iyo caqabadaha ka taagan goobaha lagu dhaqan galin lahaa doorashooyinka dadban ee dalka.

Haddalka Xildhibaan Cali Nuur Xuseen Boodaaye waxa uu imaanayaa iyadoo maalin un ka hor Guddiga heer qaran ee doorashooyinka dadbadan ay soo bandhigeen Jadwalka doorasho ee dalka.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com