Xog: Siilaanyo oo ka qeyb-galaya doorashooyinka Somalia ee 2016

Muqdisho (Caasimada Online) – Sida ay kusoo waramayaan mas’uuliyiin ka tirsan dowlada Somalia, ayaa sheegay in Madaxweynaha Maamulka Somaliland Axmed Siilaanyo uu qaabab kala duwan kula soo xiriiray Madaxtooyada Somalia si uu qeyb uga qaato dhismaha Xildhibaanada aqalka sare iyo aqalka hoose.

Siilaanyo ayaa la sheegay in Madaxtooyada uu kala hadlay in maamulkiisa lagala xaajoodo xubnaha ay labada aqal ku leeyihiin dowlada Somalia.

Wararku waxa ay intaa kusii darayaan in Madaxtooyada Somalia ay ka hor imaaday in labada aqal lagu soo xulo deegaanada Somaliland, balse ay ogolaatay in xulista ay ka dhacdo magaalada Muqdisho diyaarintuna ay qaadato Somaliland, sababo la xiriira fahan dari ka dhalata howlahaasi.

Siilaanyo oo taxadar ka muujinaaya dhaawac soo gaara Siyaasada Somaliland ayaa Madaxtooyada Somalia ku raacay in wixii khuseeya xulistaasi loo daayo dowlada Somalia, balse ay wakiilo u xil saaran doonaan howlahaasi si aan xubnahaasi loo musuqin.

Maamulka Somaliland oo kamid ah maamulada dalka ka jira balse ku hamineya inay ka go’da Somalia ayaa dowlada Somalia la leh xiriiro hoose oo lagu kala qeybsanaayo wixii xuquuq ah, iyadoo la dhowraayo Siyaasadaha kala xadidaaya labada dhinac.

Dowlada Somalia ayaa waxaa xubno ka ah Mas’uuliyiin deegaan ahaan kasoo jeeda Somaliland kuwaasi oo badi ku imaada is fahan ka dhexeeya dowlada Somalia iyo maamulka Somaliland.

Wasiiro ka tirsan maamulka Somaliland ayaa horay u shaaciyay in Somaliland ay tahay maamul sharci ahaan hoostaga dowlada Somalia balse doonaaya inay ka go’aan Somalia inteeda kale.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com