Xog kusoo korortay shir xasaasi ah oo ka ka socda Villa Somalia

Muqdisho (Caasimada Online) – Waxaa weli xarunta madaxtooyada Somalia ka socda kulamo guud iyo mid gaar gaar oo u dhexeeya madaxda dowlada iyo Hogaamiyayaasha Madasha ee qeybta ka ah shirka madasha Qaran.

Kulamada hadda socda oo leysla gaaray heer gabagabo ayaa waxaa diirada lagu saarayaa ilaa dhowr qodob oo xalintooda ay madaxdu dib dhigteen.

Kulamada socda ayaa waxa uu xoogoodu yahay mid u dhexeeya Xassan Sheekh, Puntland iyo xubno matalaaya maamulka Somaliland, waxaana lagu wadaa in maanta lasoo afjaro kulamadaasi oo intiisa badan xal laga gaaray.

Inta badan dhinacyada ay u dhaxeyso kala aragti duwanaanshiyaha ayaa isla fahmay in xal laga gaaro ilaa afar qodob oo leysku hayay, waxaana iminka harsan kaliya hal qodob kaasi oo qudhiisa la filaayo in maanta lasoo afmeero.

Madaxweynaha dalka ayaa Hogaamiyayaasha ku wargalinaaya inaan sabab loo noqon dib u dhac kale oo ku imaada doorashada dalka, waxa uuna dalbanayaa in laga tanaasulo qodobada qaar oo ay ku dhagan yihiin Hogaamiyayaasha.

Mid kamid ah xubnaha qeybta ka ah shirarka socda ayaa sheegay in lagu raja weyn yahay in maanta lasoo afjaro shirarka socda ee ku xeeran arrimaha khilaafka dhaliyay sida matalaada Khaatumo.

Ma cadda waxa uu noqon doono xal u helida qodobka matalaada Khaatumo ee aqalka sare.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com