Xog: Maxaa kusoo kordhay baadi doonkii Maqaamka Muqdisho?

Muqdisho (Caasimada Online)-Dowlada Federaalka Soomaaliya ayaa sheegtay in dhawaan ay shaqo bilaabi doonaan gudi wasiiro ah oo loo xilrsaaray arimaha la xiriira maqaamka magaalada Muqdisho, kuwaasi oo wasiiro u badan.

Wasiirka Arimaha gudaha Xukuumada Soomaaliya C/raxmaan Maxamed Xuseen Odowaa oo warbaahinta la hadlay ayaa sheegay in gudiga Wasiirada ay dhawaan shaqo bilaabi doonaan si ay meel u soo saaraan maqaamka magaalada Muqdisho ku yeelaneyso aqalka sare ee baarlamaanka.

Xubnaha gudiga oo wasiiro ah ayaa waxaa gudoomiye u ah wasiirka qorsheynta iyo iskaashiga caalamiga, waxaana la shaqeyn doona wasiiro kale oo xukuumada Soomaaliya ka tirsan.

Marar badana ayaa waxaa xubnaha madaxda madasha wadatashiga qaran laga dalbaday iney cadeeyaan maqaamka magaalada Muqdisho, balse ma aysan dhicin.

“Maqaamka Muqdisho, Guddi loo saaray oo heer Wasiir ah ayaa jira oo uu hogaaminaayo Wasiirka Qorsheynta iyo Iskaashiga caalamiga ah oo dhawaan howlahooda bilaabi doono.” Ayuu yiri Wasiir Odawaa.

Doorashada Soomaaliya ayaa waxaa ka dhiman muddo labo bilood ah, waxaana laga sugayaa wasiiradaan in ka hor doorashada iney cadeeyaan maqaamka magaalada Muqdisho.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com