Beesha calamka oo ka shakisan qorshaha Xasan & Cumar Dhagey

Muqdisho (Caasimada Online) – Waxaa lagu wadaa in kulan gaar ah ay wada qaadan doonaan Gudoomiyaha gudiga hirgelinta doorashada dadban ee heer federaal Cumar Maxamad Cabdulle Dhagey iyo Wakiilada Beesha Caalamka ka jooga Somalia.

Kulanka Guddoomiyaha iyo Wakiilada ayaa lagu lafa guri doonaa howlaha gudiga ee ku aadan doorashada dalka, iyadoo la filaayo in kulankaasi lagu daraaseyo natiijada ay soo saaren Guddiga.

Kulanka ayaa u dhexeyn doona Guddoomiyaha iyo Wakiilada iyadoo qeybta danbe ee kulamada ay ku biiri doonaan xubnaha kale ee Guddiga, si ay goobjoog uga noqdaan daraaseynta howlaha Guddiga horyaal.

Wakiilada ayaa shaki ka qaba Guddoomiyaha Guddiga Cumar Maxamad Cabdulle Dhagey oo isaga la aaminsan yahay inuu u janjeero dhanka Madaxweyne Xassan, waxa uuna kulankaasi meesha ka saari doonaan shakiga laga qabo shaqooyinka uu Qaranka u hayo Mr Dhagey.

Wakiilada ayaa aragti ka duwan kan dowlada Somalia ku biirin doona Guddoomiye Dhagey, waxaana la filayaa in Guddiga uu aqbali doono aragtiga maadaama dowlada Somalia ay gooni u riixday Beesha Caalamka.

Kulankaani kadib ayey Beesha Caalamku gaari doontaa go’aan cad, waxa uuna kulanka barbar socon doonaa mid gaar ah oo u dhexeeya Wakiilada kaasi oo ka socda Garoonka Aadan Cadde, gaar ahaan xarunta Xalane ee magaalada Muqdisho.

Ma cadda go’aanka ay Beeshu ka qaadan doonto dowlada Somalia oo iyadu kasoo horjeesatay tallooyinka ay soo jeediyeen Wakiilada.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com