Wasiir Nuur oo siduu qaraxa uga badbaaday ka sheekeeyay + Cod

Muqdisho (Caasimada Online) – Wasiirka dhalinyarada iyo ciyaaraha ee xukuumada Soomaaliya ayaa ka sheekeeyay sidii uu kaga badbaaday qarax la damacsanaa xalay in isaga lagu qaarijiyo kaasi oo ka dhacay wadada Maka Al-Mukarama.

Wasiirka ciyaaraha iyo dhalinyarada ayaa sheegay in qaraxa uu ahaa mid ka yara yar qaraxyadii waaweynaa ee ka dhacayay magaalada Muqdisho, wuxuuna sheegay in qaraxaasi ay waxyeeo kasoo gaartay qaar kamid ah dadkii la socday.

Ujeedada qaraxa ka dambeysay wuxuu ku sheegay iney aheyd in lagu qalqal geliyo horumarka iyo amaanka magaalada Muqdisho, wuxuuna sheegay in la doonayay in isaga lagu qaarijiyo balse aysan dhicin.

Wasiirka ayaa xiliga qaraxa uu dhacayay wuxuuku sugnaa mid kamid ah carwooyinka ku yaala wadada Maka Al Mukarama, waxaana qaraxa uu ka dhacay wax yar kadib markii uu ka dagay gaariga uu la socday.

Magaalada Muqdisho ayaa waxaa maalmihii ugu dambeeyay ka yaraaday qaraxyada gaadiidka lagu xiro, waxaase jiray qaraxyo waaweyn oo todobaadyo gudahood ka dhacay magaalada Muqdisho.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com