Cali Khaliif Galeyr oo loo qabtay in 24 saacadood gudahood uu…

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha maamulka Khaatumo Cali Khaliif Galeyr ayaa loo qabtay muddo saacado ah inuu isaga baxo degmada Buuhoodle, kadib kulan saraakiisha ciidamada Buuhoodle ay magaalada ku yeesheen.

Saraakiisha ku kulmay magaalada Buuhoodle ayaa la magacbaxay Difaaca Degmada Buuhoodle ayaa kulan ay ku yeesheey magaalada waxay ku sheegeen in muddo 24 saac ah u qabteen in Buuhoodle uu isaga baxo madaxweyne Galeyr.

Muddada saacadaha ah ee loo qabtay Mr Galeyr waxay timid markii la  ogaaday inuu wadahadal uu kula jiro maamulka Somaliland, taasi oo keentay in saraakiisha ay ka caroodaan maadaama aysan la socon wadahadalka sida ay sheegeen.

C/Fataax Geesdiid, oo kamid ah saraakiisha kulanka ku yeeshay magaalada Buuhoodle ayaa sheegay in Galeyr ay u qabteen muddada 24 saacadood ah inuu magaalada isaga baxo, ayna difaaci doonaan degmada Buuhoodle iyo deegaanada hoostaga.

“Annaga oo ah ciidamada difaaca Buuhoodle, waxaan caddeynaynaa in aan raali ka ahayn siyaasadda Cali Khaliif Galeyr, marar badan baan ka diidnay siyaasaddaasi, laaakiinse maanta waxaa la helay caddeyn ah in wada hadal uu la galayo Somaliland, sidaa darteed waxaan Galeyr u sheegaynaa in 24-saac uu degmada Buuhoodle uga baxo” sidaasi waxaa yiri C/fitaax Geesdiid.

Maalmihii ugu dambeeyay waxaa soo ifbaxayay wadahadalo u dhaxeeya maamulada Somaliland iyo Khaatumo iyadoo masuuliyiin labada maamul kala matalaya ay ku kulmeen duleedka degmada Buuhoodle.

Caasimada Online
xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com