Guuleed oo magacaabaya wasiirada GALMUDUG

Muqdisho (Caasimada Online) – Waxaa meel wanaagsan maraya soo magacaabista golaha wasiirada maamulka Galmudug ee madaxweynaha uu ka yahay C/kariin Xuseen Guuleed kaasi oo maalmahaan ku mashquulsanaa la tashiyo kala duwan.

Xubno ka tirsan maamulka Galmudug ayaa sheegay in dhawaan madaxweynaha maamulka Galmudug uu ku dhawaaqayo golahiisa wasiirada, waxaana la ogeyn dadka kasoo dhex muuqan doona.

Waxaa jiro wali beelo kala duwan oo dhaliilsan qaabka loo maray dhismaha maamulka Galmudug manajirto ilaa iyo hadda cid qancisay qaar kamid ah beelaha daga deegaanada maamulka Galmudug.

Mahad Xaashi Maxamed, oo sheegay inuu yahay afhayeenka maamulkaasi ayaa sheegay in madaxweynaha Galmudug uu sameeyay latashiyadii ugu dambeeyay uuna dhawaan ku dhawaaqi doono golaha wasiirada maamulkaasi.

Sidoo kale Mahad ayaa sheegay in madaxweynaha uu ku laabtay magaalada Cadaado si uu ugu dhawaaqo golaha wasiirada maamulka Galmudug, oo beelo badan iska doonayaan iney iska dhax arkaan golaha wasiirada maamulkaasi

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com