BF oo hanjabaad hor leh u jeediyay madaxda DF

Muqdisho (Caasimada Online) – Xildhibaanada BF Somalia ayaa digniino kasoo saaray doorashada la filaayo inay ka dhacdo Magaalada Kismaayo ee Xarunta Maamulka Jubba.

Xildhibaanada ayaa sheegay inay tallaabo cad ka qaadi doonaan Mas’uulkii ka tirsan DF ee ka qeybgala doorashada ka dhici doonta Magaalada Kismaayo.

Xildhibaanada Hanjabaada u diray Madaxda Qaranka ayaa waxaa kamid ahaa Xildhibaan Dahir Amin Jeesow, Xildhibaan Samaan Maxamed Sheekh Dahir iyo Xildhibaan Maxamud Cali Magan oo sheegay inaan BF u dulqaadan doonin in Madaxda Qaranka ay Axmed Madoobe ku raali galiyaan ka qeybgalka Doorashada ama munaasabada caleema saarka.

Xildhibaanadan ayaa sheegay in ciddii ka qey gasha oo dowladda ka tirsan in lala xisaabtami doono, islamarkaana ay u aqoonsan doonaan Qaran dumis.

Xildhibaan Dahir Amin Jeesow oo u hadlaayay Xildhibaanada ayaa sheegay in digniinta loo jeediyay Madaxda Qaranka mid lamid ah ay u dirayaan beesha caalamka oo uu ku eedeeyay faragalin.

Dhanka kale, waxa uu uga digay inay qeyb ka noqdaan shaqsiyaadka ka qeybgalaaya doorashada, hadii ay dhacdana ay la xisaabtami doonaan.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com