Dowladda Somalia oo si kulul ugu jawaabtay QM

Warsaxaafadeed

Warbixinta Kooxda Qarammada Midoobay ee la socodka Soomaaliya iyo Eritrea, (SEMG) waxay u ekeysiineysaa in Wasaaradda Batroolka iyo Macdanta ee Jamhuriyadda Federaalka Soomaaliya ay si aan munaasab ahayn ay shaqaale Wasaaradda ka tirsan u siisay lacago.

Warbixinta SEMG waxaa ku cad in heshiis qoraal ah la galay 25 kii Abriil 2014, kaas oo dhex maray Wasaaradda Batroolka & Macdanta iyo Soma Oil & Gas Holdings Limited (Soma). Lacagtaas oo loogu tala galay in lagu kobciyo tayada shaqaalaha, si aan mugdi ku jirin ayaa loo muujiyay shaqaalaha lacagtaas qaatay iyo magacyadooda. Lacag kasta oo Wasaaradda ku soo gashay dariiqaas waxaa la soo mariyay Bankiga Dhexe ee Soomaaliya, xisaab celinna waa laga sameeyay.

Heshiiskaasi waa mid aan qarsoodi ahayn, waxaana laga akhrisan karaa oo uu ku lifaaqan yahay halkan.

Si kastaba ha ahaatee, dowladda Soomaliya waxay dibu-eegis ku sameyn doontaa eedeymaha la soo jeediyey.

Soomaaliya waa dal ka soo kabanaya colaad daba dheeraatay, waxaan ku faraxsan nahay in hey’adaheennu ay kobcayaan horumarna ay ku tallaabsanayaan. Dowlad wanaag, nidaam aan mugdi ku jirin iyo xisaabtan waa u lama huraan maamulka saxda ah ee kheyraadkeeda.
In si aan mugdi ku jirin ay dowladdu u marto waxa ay bixineyso iyo sida ay wax ku gadaneyso waa ahmiyad Qaran, waxaana lagu hubiyaa hab Dowladda dhexdeeda ah iyo mid caalami ah sida Guddiga Maamulka Maaliyadda (FGC).

In kooxda SEMG ee Qaramada Midoobay ay barnaamijka taya kobcinta shaqaalaha ku tilmaanto in uu yahay mid si kale loo dhigayo oo wax la isku dhaafsanayo ma ahan sax waana marin habaabin.
Sida dalalka kale ee colaad ka soo kabanaya, in laga taageero xagga taya kobcintu waa u muhiim hey’adaha dowlada Soomaaliya horumarkooda iyo horumarinta shaqaalaha.

Dowladda Soomaaliya wey sii wadi doontaa in ay raadsato taageerada kaalmada Dowlado iyo maalgashadayaal.

Dowladda Soomaaliya waxay rumeysan tahay in ka manaafacaadsiga dheellitiran ee kheyraadkeedu uu kaalin weyn ku leeyahay sidii dhaqaalaha guud ee Soomaaliya uu u kobci lahaa, taas oo horseedeysa madaxbannaani dhaqaale, warshadeyn, shaqo abuur, dakhliga canshuuraha oo kordha iyo in laga kaaftoomo ku tiirsanaanta kaalmo shisheeye.

Dhammaad